Libaax Baxsaday oo la Raadinayo

0
514

Ilaaliyeyaasha beer xayawaan oo ku taal  Koofur Afrika ayaa baadi goob ugu jira libaax ka fakaday dhul seere ah oo lagu hayo duurjoogta.
Beerta  oo ku taal gobolka  Western Cape ayaa la rumaysan yahay inuu ka baxay seeraha isaga oo ka dusay dalool xayndaabka ku yaal oo ay dhawaan banneeyeen daadad soo rogmadey.
” Dayaarad  helicopter ah ayaa dayaar ku ah aagga laga raadinayo iyada oo ay ilaaladuna ay lugaynayaan iyaga oo wata eyda wax weerara haddii ay si kedis ah ugu soo baxaan libaaxa,”  sidaasi waxa warfidiyeenka u sheegay sarkaal ka tirsan seeraha oo la yidhaa  Fayrouch Ludick.
Ms Ludick  waxa ay ku doodeysaa in ay ku kalsoon yihiin in ay libaaxaasi baxsadey oo ahaa saddex lab ay dib u soo qaban doonaan.
 
Ms Ludick waxa ay uga digtey dadka in aaney u dhawaan bahalkaasi  fakadey  haddiiba ay arkaan.
Waxa ay intaasi ku dartey in aan la maleyn Karin debciga libaaxaasi oo aan ahayn rabaayad balse ku noolaa seerahaasi oo gaadhaya dhul fidsan 90,000 oo hektar.
Wararka la xidhiidha libaaxa baxsadka ah ayaa lagu baahiyay warbaahinta maxaliga ah.
 
Ruux dalxiise ahaa ayaa libaax ku dilay beer xayawaan oo u dhaw Johannesburg toddobaadkii hore.
 
 

Leave a Reply