Tirada Qaxootiga ee Sanadkan Yurub Gaadhay

0
531

Laba hay’adood oo caalami ah ayaa sheegay in tirada muhaajiriinta ee yurub tagay ee ka gudbay mediterraneanka ay ilaa hadda kor u dhaafeen 100,000 sannad gudihiis.
Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka adduunka ayaa bixiyey tirooyin isku mid ah oo muujinaya qaxootiga gaadhay Talyaaniga iyo Giriigga, halkaas oo ay inta badan muhaajiriintaasi ka  bilaabeen degitaanka .
Hay’dda caalamiga ah ee socdaalka Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IOM, waxay sheegtay in tiradaas ay muujinayso xoogaa sare u kac ah marka la barbar dhigo, isla wakhtigaas sannadkii hore, oo muhaajiriintu ay badnaayeen, laakinse waxaa la filayaa in dadka badda ka gudbaya ay sii bataan bilaha soo socda.
 

Leave a Reply