Daraasad Iftiimisay Waxtarka Socodka oo Lagu Badhxo Jimcsi Fudud

0
509

Daraasad ay dhowaan sameeyeen khubarro kamid ah kuwa jaamacadda Ohio  University ee dalkaasi Maraykanka ayaa soo bandhigay hab cusub oo qofku jidhkiisa u dhisi karo,isaga oo aan wax daal ah samaynayn ,sidoo kalena aan dhibaato la kulmayn.
Khubaradan oo natiijada daraasadan ku soo daabacay joornaalka lagu magacaabo Neurophysiology ayaa sheegay in daraasadan ay ka qayb qaateen dad lagu qiyaasay tiro ahaan 44 qof ,kuwaas oo waday muddo bil ah,kuwaas oo loo dhiibay qalabo kala duwan ,waxaana kuwo ka mid ah oo dhamaa tiro ahaan 14 qof loo dhiibay qalab fudud oo maskaxda dejinaya jidhkana ka shaqaysiinaaya iyaga oo aan wax jimicsi ah aan samaynay.
Kuwa kalena waxay gaadhayeen ilaa 15 qof,waxaana loo dhiibay biro iyo qalab jimicsi oo caadi ah ,kuwaas oo iyaguna muddo taas lamid ah waday ,halka ay 15 kalena ahaayeen kuwo socod caadiya gelayeen oo ay ahayeen kuwo xor ah,kuwaas oo dusha kala socday waxa socda.
Waxaanay muddo kadib ku soo noqdeen khubaradda,iyaga oo la kulmay isbedel dhinaca muruqyada ah.
Daraasada ayaa muujisay in dadkii aan soconi ay lumiyeen awoodii muruqyadooda,halka kuwii loo dhiibay qalabkuna ay awoodoodii jidheed hoos u dhacday 25%,halka 15 kii kale ay 45% awood ahaan hoos u dhaceen.
Waxaanay khubaradani cadeeyeen in haddii socodka la badsado sidoo kalena jidhka laga shaqaysiiyo ay keento in aanu qofku marin jimicsi iyo jidh dhis uu kala kulmo daal iyo dhibaato,waxaanay soo jeediyeen habkan cusub ee socodku inuu noqdo mid lagu daro qaababka jimicsiga.
 

Leave a Reply