Afrika: Heshiiska Ganacsiga Xorta ah

0
386

Heshiiska oo looga dan leeyahay in lagu abuuro aagga ganacsiga xorta ah ayaa lagu ammaanay inuu yahay arrin taariikheed, waxaana la doonayaa in qaaradda la isu keeno laga soo billaabo Cape illaa Qaahira.
Sahmiyayaasha iyo kuwa xorriyadda u dirira, waxa ay isku raaceen in tallaabadan ay xoojineyso dhaqaalaha qaaradda Afrika.
Heshiiska waxa uu isu keenayaa ururka horumarinta ganacsiga ee koofurta Afrika (SADC), ururka bariga Afrika, (EAC) iyo suuqa wadajirka ah ee Bariga iyo koofurta Afrika ee COMESA.
Heshiiska waxa uu abuurayaa shaqeeleysiinta dad lagu qiyaasay 625 milyan oo qof, oo ku nool 26 dal oo Afrika ah, si loo fududeeyo isugudbinta alaabaha iyo adeegyada ganacsiga.
Is-afgaradka noocaan ah, waxa uu u muuqdaa tallaabo horumar leh oo qaaradda ay horey u qaaday, taas oo dhawaan dhaqaaleheeda uu sare u kacay boqolkiiba 5, iyo inuu soo jiito maalgashadayaasha ajaaniibta ah.
Ka hor inta madaxda Afrika aysan dabayaaqadii todobaadkan fikradahan la imaan, waxaa jiray digniino yar yar oo u baahnaa in laga fiirsado.
Tan koowaad ayaa ah in baarlamaanada 26-ka dal ay meel mariyaan heshiiska. Haddii 14 dal ay isku raacaan, waxa ay ka dhigan tahay inuu cod aqlabiyad ah helay, taas oo sharci ka dhigeysa.
Haddii wadahadallada ay sii socdaan, qorshaha waxa uu noqonayaa in diiradda la saaro aragti ballaadhan oo ganacsi ah.
Sidoo kale, tafaasiisha ayaa u baahan in la kala cadeeyo. Waxaa ka mid ah sida caqabadaha meesha looga saarayo iyo in go’aan laga gaadho waxa loogu yeedhay “dhibaatooyiinka Canshuuraha”.
Waxa uu micnuhu yahay, maxay yihiin alaabaha la sharciyeynayo oo sida xorta ah laysugu gudbinayo, ama ogolaashaha la siinayo, ama qiimo isla eg lagu iibinayo?
Marka dalalka ay si kala gaar ah u billaabaan inay akhriyaan ganaaxyada, shucuurta iyo dareenka wuu isbedeli karaa.
Inbadan oo ka mid ah dhaqaalahooda wuu yar yahay, wax yar ayeyna soo saaraan oo ay iibgeeyaan ama dhoofiyaan, iyagoo haysta sharci xoreynaya ganacsigooda, taasina waxa ay gelin doontaa inay la tartamaan dalal warshado leh, taas oo halis gelin karta dhaqaalahooda ama shaqadoodaba.
Dhanka isbedelka ganacsiga
Khubarada ganacsiga waxa ay ku doodayaan, fududeynta adeegyada ku xusan heshiiskan ganacsi inay aad u wanaagsan yihiin.
Taasi waxa ay dardar gelin kartaa wax soo saar qiimo leh oo meelo kala duwan laga soo saaro, loona iibgeeyo suuqa furan iyo in la dhimo qiimaha.
Si kastaba, haddii sharcigan uu hirgalo waqti macquul ah, waxa uu bilow u noqonayaa ganacsiyada gudaha.
 
 

Leave a Reply