Badhasaabka Xaysimo Oo Ugu Baaqay Xukuumadda Inay Wax Ka Qabato Adeegyadda Daruuriga ah Ee Talleex

0
346

Hargeysa (Dawan)- Badhasaabka Gobolka Xaysimo C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in aanay jirin heshiis dhex maray labadii beelood ee walaalaha ah ee dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay  ku dhex-maray magaalada Taleex oo uu ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto colaada labadaas beelood.
Badhasaabka  gobolka Xaysiimo waxa kale oo uu xukuumadda u soo jeediyay inay wax ka qabato adeegyadda daruuriga ah ee gobolku u baahan yahay oo hooseeya, si gobolkaasi u soo gaadho horumarinta goboladda kale ee dalka.
 
“intii gobolka la ii  magacaabay waxyaabo badan ayaa ka dhacay shaqaaqo soo socotay muddo badan oo u dhexaysa laba beelood oo walaalo ah oo wada degan oo iska hor imaadyo  dad badanina ku naf waayeen dhex mareen,  Meeshuu ka dhacayna ay tahay Talleex gudaheeda.  hase yeeshee hadda way ka xasiloon tahay  sidii hore in kastoo aanay jirin wax heshiis ah oo ay gaadheen  labada beelood ee dhibtu dhex martay. cid toos u dhex gashay  illaa iyo imika  oo  xukun iyo fulin ka soo saartay ma jirto. Waa qabyo, waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland oo ku guulaystay inuu joojiyo dagaalkaas ka dib markii ciidammadda qaranku ay ka dhex galeen labaad ardaa,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed oo u waramayay warbaahinta qaranka.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa magacaabay Gobolka Xaysimo sannadkii 2014-kii, waxaana gobolkaasi horumarintii laga fulin lahaa caqabad ku ah colaado iyo iska hor imaadyo beelood oo soo noqnoqday.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply