Salaadiin Eedo Culus Ku Hurgufay Badhasaabka Awdal Oo Ay Qoonsadeen Hadal Ka Soo Yeedhay

0
358

Boorama-(Dawan)- Salaadiinta Gobolka Awdal ayaa si wada jir ah shir jaraa’id oo ay shalay ugu qabteen magaaladda Boorame, waxay ku sheegeen in Badhasaabka Gobolka Awdal uu gobolka uu madaxda ka yahay ka faafiyay war aan jirin oo ah in Baki lagu qabtay hub halis ku ah nabadgelyadda.
Salaadiintu waxay sheegeen in hubka la qabtay uu ahaa mid duug ah  oo yaallay gurri dunsan oo dawladdu leedahay oo ay ogaayeen dawladihii dalka iskaga dambeeyay oo dhammi, waxaanay u soo jeediyeen Badhasaabka Awdal inuu raali-gelin ka bixiyo hadalkiisii.
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Waxa badhasaabka  gobolka Awdal Mr. Ramaax iclaamiyay in hub nabad-gelayada gudaha iyo dibada khatar u ah in la qabtay, hubkaasina uu leeyahay sifooyinka kuwa argagixisadda. Maalintaas illaa maanta  waxaannu ku jirnay dobo-gal, waxaannu baadhaynay halka ay wax ka yimaadeen,  siday wax ahayd, cidii  lahayd iyo cidii dhigtay meesha lagu qabtay  ayaanu soo ogaanay, waxaanu filaynay maadaama arrintu arrintii la sheegay noqon wayday, waxaanu xukuumada ku balansanayn in iyadu beeniso oo raali-gelin ka bixiso warkaas khaldan  ee gobolka laga faafiyay.Hubkani waxa uu yaallay gurri dawladdu leedahay oo maxkamadda degmadda Baki lahaan jirtay  dawladuna way ogayd,  arrintan waa la buun-buuniyay oo wax halis ah iyo dhacdo cusub ayaa laga dhigay maamulka gobolkuna waxay ahayd inay iska hubsadaaan.”
 
Suldaan Ibraahin jaamac Samatar, ayaa ku dooday  in laga been sheegay hubkii la lagu qabtay Baki, waxaannu yidhi  “Shirkan jaraa’id waxaanu u qabanay inaanu ku beenino dhancdadii la sheegay hubkii laga helay degmada Baki, arrinkaasi waa been abuur hubkaa la sheegay waa hadhaaagii hubkii dowladii Siyaad Barre, meel walbana wuu yaalaa, hubkaasi waa la ogaa oo ciidama qaranka ayaa ogaa oo Gudoomiyayaashii u kala dambeeyay degmada Baki ayaa ogaa, tiraba dhowr goor ayaa la raray oo  meel kale la geeyay, qayb kamida hubkaasi oo baaruud ahayd markii aqalkii dumay ayaa laga raray qaybtii biyuhu galeena ha’yadda miinada ayaa qarxisay, waxaanu aad uga xunahay arrinkii sidaa ahaa ee laga wada war hayay in maanta duulaan la qaado 15 baabuur la is daba dhigo sidii oo argagaxisadii ugu weynayd la soo qabanayo aqalkii inta la jabiyo alaabtii inta la soo gurto la yidhaahdo Alshabaab ayaa ka dambeeyay arrintaasna waxa masuul ka ah Badhasaabka Awdal.”
Suldaan Xasan  Xaddi Baade ayaa  Badhasaabka awdal ugu baaqay inuu raali gelin ka bixiyo sidii uu uga hadlay hubkii uu dhawaan ka  qaaday Gurri ku yaalla degmadda Baki, waxaanu yidhi  “Hubkan waxa laga soo qaaday guri dawladdu  leedahay,waxa la cadeeyay shantii Badhasaab ee iska dambaysay Awdal   ay ku ogayd  gurigaas dawladdu leedahay. Hadalkii Guddoomiyaha Awdal ka soo baxay waxa uu u ekaa waxa leh ama loo waday kooxo argagixiso iyo wax la mid ah, arrintaasi waa khalad iyo been aanay waxba ka jirin. Waxaan badhasaabka u soo jeedinayaa inuu raali-gelin ka bixiyo arrintaas haddii kale raad weyn ayay kugu reebi doontaa.”
Salaadiintaasi waxay sheegeen in deegaamadda gobolka awdal aanay dhex oolin wax hub ah oo halis ku ah ammaanka Somaliland iyo dalalka jaarka la ahba.
Geestana kalena Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo aanu xalay la hadalnay si aanu wax uga weydiino eedaha salaadiintu u soo jeedisay ayaa ka gaabasaday inuu ka jawaab celiyo eedaha loo jeediyay.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply