Saylici Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Suldaan Xiis Barre Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

0
642

Hargeysa (Dawan)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacbiga Somaliland uga tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum-Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa 11/06/2015.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu shalay  soo saaray Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL, ahna ku simaha Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL Md. Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu dhambaalkaasi u dhignaa sidan:- “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Bulshada qaybeheeda kala duwan iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa 11/06/2015. Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo ubadkii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku, waxaanu Suldaanka ku sifeeyey oday dhaqameed qiimo ku dhex lahaa bulshada kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlahaa horumarka iyo midnimada shacbigiisa. waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Geesta kalena Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal tacsi ah u diray eheladii iyo qoyskii Suldaanka geeridooyaday,waxaanu ku yidhi “Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Mudane, Muuse Biixi Cabdi wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii,Eheladii,Asxaabtii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Suldaan Xiis Barre Yuusuf, oo ka mid ah madax-dhaqameedka waawayn ee Somaliland.Marxuumku wuxuu door weyn ka soo qaatay halgankii iyo nabadayntii dalka.Gabagabadii wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu janadii fardawsa ka waraabiyo dhammaan qoyskii iyo eheladiisiina samir iyo iiman ka siiyo, Aamin Aamin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply