Wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada oo Xoojinaysa Hal-abuurka Dhalinyarada

0
13

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaa daahfurtey Acceleration Program-ka ardayda ka qaybgalaysa Tartanka Hal-abuurka Jaamacadaha (University Innovation Competition) ee Somaliland Tech Expo 2026, kaasi oo ay ku tartamayaan 10 jaamacadood oo dalka ah.

Barnaamijkan ayaa ardayda siinaya fursad ay ku kobciyaan hal-abuurkooda, ku horumariyaan mashaariicda tiknoolajiyadda, isla markaana ku xoojiyaan xirfadahooda soo bandhigidda iyo difaaca fikradaha cusub.

Daahfurka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socda wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Xarunta Hal-abuurka Somaliland (SIZ) iyo guddiga qabanqaabada Somaliland Tech Expo 2026, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda ICT-ga, Zakariya Khadra Cabdiikariim, Agaasimaha SIZ, Fatxudiin Maxamed Cabdi, iyo Agaasimaha Ku-xigeenka Waaxda Digitalization-ka, Eng. Cabdixamiid Daahir Cabdillaahi.

Somaliland Tech Expo 2026 waa madal muhiim u ah dhiirrigelinta hal-abuurka, kobcinta aqoonta tiknoolajiyadda iyo awood-siinta dhallinyarada Somaliland si ay fikradahooda ugu beddelaan xalal wax-ku-ool ah oo ka qayb qaata horumarka dalka.