Hargeyska (Dawan) Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa muujisay dadaal iyo masuuliyad ku aaddan maaraynta dhaqaalaha dalka, xilli ay jiraan caqabado dhaqaale oo ka dhashay xaaladaha amni iyo colaadaha ka aloosan Bariga Dhexe, kuwaas oo saamayn ku yeeshay ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha ee marinnada muhiimka u ah dhaqaalaha caalamka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Md. Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in dhibaatooyinkii iyo dagaalladii ka dhacay Bariga Dhexe, gaar ahaan xaaladaha la xidhiidha Marinka Hormuz, ay Somaliland ku keeneen culaysyo dhaqaale. Hase yeeshee, waxa uu bogaadiyey dadaalka ay muujiyeen hawlwadeennada Kastamka Berbera, kuwaas oo uu sheegay inay muujiyeen adkaysi iyo hawlkarnimo iyada oo ay jireen caqabado adag.
Hadalka wasiirku waxa uu iftiiminayaa muhiimadda ay Wasaaradda Maaliyaddu u leedahay ilaalinta dakhliga qaranka, maaraynta dhaqaalaha iyo hubinta in hawlaha kastamada iyo ganacsigu u socdaan si waafaqsan waajibaadka qaranka. “Dhibaatadii iyo caqabadii ka dhacday dagaalkii Bariga Dhexe ee Marinka Hormuz waxa uu inagu keenay culays badan, hadana iyada oo taasi jirto Kastmada Berbera dadaal badan ayay samayseen oo dhexdaa ayay u xidheen” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda JSL, Cabdilaahi Xasan.
Kastamka Berbera oo ah halbowlaha muhiimka ah ee ganacsiga Somaliland, waxa uu door weyn ku leeyahay ururinta dakhliga dawladda, fududaynta badeecadaha dalka soo gala, kuwa dalka laga dhoofinayo, iyo taageeridda dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dekedda Berbera. Sidaas darteed, dadaalka shaqaalaha kastamku waxa uu qayb muhiim ah ka yahay joogtaynta hawlaha dhaqaale ee dalka, gaar ahaan xilliyada ay jiraan duruufo dibadeed oo saamayn ku yeelan kara ganacsiga.
Bogaadinta wasiirku waxay sidoo kale muujinaysaa qiimaha ay leedahay in shaqaalaha dawladda lagu dhiirrigeliyo gudashada waajibaadkooda, isla markaana la xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda, si loo ilaaliyo danaha dhaqaale ee qaranka. Waxaa xusid mudan in xaaladaha ka dhaca marinnada ganacsiga caalamiga ahi ay saamayn ku yeelan karaan qiimaha gaadiidka, sahayda badeecadaha iyo kharashaadka ganacsiga. Taasina waxay muhiim ka dhigaysaa dedaallada wax ku oolka ah hay’adaha dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dedaalka joogtada ah ee wasaaradda maaliyadda Somaliland ku xoojinayso qorshaynta, maaraynta khataraha iyo ilaalinta ilaha dakhliga qaranka.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, oo masuul ka ah maaraynta dakhliga iyo siyaasadaha maaliyadeed ee dalka, waxay samaysay dedaallo dheeraad ah oo lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha dalka, iyada oo muddadii ay jirtay xukuumadda wadajir iyo waxqabad la hirgeliyay hawlo badan oo muhiim ah kuwaas oo kor loogu qaaday nidaamyada maaliyadeed, xoojinta hufnaanta maamulka dakhliga, isla markaana lagu taageerayo hawlaha ganacsi ee laf-dhabarta u ah dhaqaalaha Somaliland.
Dadaalladan ay muujiyeen masuuliyiinta iyo hawlwadeennada wasaaraddu waxa uu muhiim u yihiin adkaynta awoodda dhaqaale ee dalka iyo yaraynta saamaynta caqabadaha dibadeed. Sidaa darteed Bogaadinta wasiirka ee Kastamka Berbera waxay tusaale u tahay muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado dedaalka shaqaalaha, lana sii xoojiyo wadajirka hay’adaha dawladda ee u adeegaya qaranka.
Ugu dambayn, dedaaladda la xidhiidha ilaalinta dakhliga qaranka, fududaynta ganacsiga iyo maaraynta caqabadaha dhaqaale waxay si cad u muujinayaan qorshaha istaraatiijiga ah iyo dadaalada hagar-la’aanta ah ee wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland. Sidoo kale waaxa ay iftiiminaysaa wada-shaqayn wax-ku-ool ah ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland iyo hawlwadeennadeeda oo door muhiim ah ku leh hawshaas, iyadoo Kastamka Berbera uu ka mid yahay xarumaha laf-dhabarta u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.




















