Harry Kane oo fariin qiiro leh soo diray markii uu ku guuleystay Kubadda dahabka ?

0
7

Xiddiga xulka England iyo kooxda Bayern Munich, Harry Kane, ayaa jeediyay hadal qiiro leh kaddib markii uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isagoo uga mahadceliyay qoyskiisa, saaxiibbadiisa iyo tababarayaashii ka caawiyay inuu gaadho guushan weyn.

Kane ayaa sheegay inuu ku adkaaday inuu helo erayo uu ku cabbiro farxaddiisa, wuxuuna u mahadceliyay majaladda France Football iyo dhammaan dadkii codkooda siiyay, isagoo xusay in tartanku uu adkaa sababo la xidhiidha ciyaartoyda waaweyn ee uu la tartamay.

Wuxuu sidoo kale ammaanay saaxiibbadiisa Bayern Munich, isagoo sheegay inaannay suurtagal noqon lahayn inuu abaalmarintan ku guuleysto la’aantooda. Wuxuu intaas ku daray in kooxda Bayern ay sharaf weyn u tahay inuu abaalmarintan dib ugu celiyo magaalada Munich.

Kabtan-ka England ayaa sidoo kale u mahadceliyay xulka qarankiisa, tababarayaashii kala duwanaa ee soo hoggaamiyay iyo kooxdiisii hore ee Tottenham, isagoo sheegay in dhammaantood ay door muhiim ah ku lahaayeen horumarkiisa ciyaareed.

Qaybta ugu qiiro badan hadalkiisa waxay ahayd markii uu u mahadceliyay waalidkiisa, walaalkiis iyo xaaskiisa, isagoo sheegay inay garabkiisa ahaayeen waqtiyadii adkaa iyo kuwii farxadda lahaa.

Kane ayaa si gaar ah u ammaanay xaaskiisa, isagoo yidhi guushan ma ahan mid isaga keliya u gaar ah, balse ay labadooduba wada leeyihiin, maadaama ay soo mareen waqtiyo badan oo adag iyo dadaal joogto ah.

Ugu dambeyn, Harry Kane wuxuu sheegay in safarkiisa kubadda cagta uu lahaa guulo iyo caqabado, balse qofku u baahan yahay inuu naftiisa aamino, dulqaato oo aannu marnaba ka quusan riyadiisa. Soccermatch highlights

Wuxuu rajo ka muujiyay in sheekadiisa iyo guushiisu ay dhiirrigelin u noqon doonaan dadka kale ee doonaya inay gaadhaan himilooyinkooda.