Xukuumada oo Bilawday Maamul-Daadejin Lagu Ballaadhinaayo Qandaraasyada Qaranka JSL

0
11

Hargeyska (Dawan) Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka JSL, Cabdoow Axmed Aayar, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe cad oo dhigaya in dhamaan mashaariicaha laga bixinayo gobolada in lagu bixiyo degmooyinka caasimada ah, taas oo ah maamul daadajin uu amray Madaxwaynaha JSL.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in gobolkii ugu horeeyey ee qandaraas mashruuc lagu bixiyo gudaha gobolka uu noqday gobolka Togdheer,kaas oo salka ku haya dhismaha Biriijka Burco, isaga oo caddeeyey in talaabadaas ay dhaqaale badan kusoo celinayso gobolka.

” Qorshaha aan dhiganay ayaa ah mashaarciida laga bixinayo gobolada inaanu meesha lafteeda ku bixino oo aanu deegaan ka dhigno, ttaasina waa maamuul daadajinta uu Madaxwaynuhu hormuudka noogu yahay ee uu doonayo in cid walba dowladda ah ay maamul daadajin samayso. Gobolka Togdheer na waxa uu noqonayaa gobolkii ugu horeeyey ee qandaraas lagu bixiyo, taasina waxay suurtogalinaysaa in dad badan inay gobolada yimaadaan oo dhaqaale ku celiyaan.” Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka JSL, Cabdoow Axmed Aaya.