Warbixin: “Dekedda Somaliland oo Fure u Noqonaysa Is-kaashigga Gobolka
“Somaliland oo fursad dahabi ah ka helaysa loollanka Dekeddaha Geeska Afrika”
Hargeysa (Dawan) Warbaahinta Maraykanka ee Eurasia Review oo ah madal ka faaloota siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha, amniga iyo xidhiidhada caalamiga ah ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay sii xoojinayso doorkeeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, iyadoo Dekedda Berbera iyo marinkeeda ganacsi ay noqonayaan fursado muhiim u ah koboca dhaqaalaha, iskaashiga gobolka iyo isku xidhka suuqyada caalamiga ah.
Sida lagu sheegay Warbxinintan caalamiga ah ee Eurasia Review oo uu soo xigtay wargeyska Dawan, Dekedda Berbera waxay leedahay goob juqraafiyeed oo leh muhiim aad u weyn, taas oo ku taalla Gacanka Cadmeed, una dhow marin-biyoodka Baabul-Mandab ee isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Sidoo kale waxa lagu sheegay in Maalgelinta DP World ee dekedda, ballaadhinta awoodda qaabilaadda konteenarrada iyo horumarinta Aagga Dhaqaalaha Berbera ay abuureen saldhig lagu horumarin karo ganacsiga, saadka iyo adeegyada dhoofinta. Sida ku cad xogta shirkadda ee ballaadhinta awoodda konteenarrada.
Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta in horumarkani uu Jamhuuriyadda Somaliland siinayay fursad ay ku kordhiso dakhliga ganacsiga, shaqo-abuurka, kuna soo jiidato maalgelin cusub. Sidoo kale waxa lagu sheegay in horumarkani uu yahay mid istaraatiiji ah oo abuuri kara fursado ay ka faa’iidaystaan ganacsatada maxalliga ah, gaadiidleyda, shirkadaha dhoofinta badeecadaha iyo xoolaha isla markaana ay si weyn uga faa’iidaysan karaan shirkadaha adeegyada saadka.
Eurasia Review waxa kale oo ay sheegtay in dawladda Itoobiya oo ah dal aan lahayn xeeb badeed ay si weyn ugu baahan tahay marinno ganacsi oo kala duwan si loo yareeyo ku-tiirsanaanta hal waddo oo badeecadaha laga soo dejiyo laguna dhoofiyo. Sidoo kalena ay Somaliland, dhinaceeda, danaynayso in Berbera noqoto marin ganacsi oo gobolka u adeega. Sidaa darteedna Iskaashiga labada dhinac uu horseedayo korodhka badeecadaha dekedda mara, maalgashi dheeraad ah, horumarinta kaabayaasha iyo koboca dhaqaalaha oo gaadha magaalooyinka iyo deegaannada ku teedsan marinka Berbera.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland uu sheegay 12-kii bishan Oktoobar 2026 in Somaliland ay diyaar u tahay wadaxaajoodyo ku saabsan marin-badeedka Itoobiya iyo isticmaalka Dekedda Berbera. Isaga oo tilmaamay in dekedda iyo marinnada ganacsiga Somaliland ay fursad u yihiin labada dhinac, Isla markaana ku baaqay in khilaafaadka gobolka lagu xalliyo wada-hadal.
Sidoo kale warbixinta waxa lagu sheegay “Muhiimadda Dekedda Berbera kuma koobna awoodda ay u leedahay qaabilaadda maraakiibta iyo konteenarrada. Waxay sidoo kale Somaliland u tahay fursad ay ku horumariso ganacsigeeda, ku soo jiidato maalgelin, ku abuurto shaqooyin, kuna xoojiso xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska ah” ayaa lagu yidhi warbixinta Eurasia Review.
Waxaanay intaas raacisay “Somaliland waxay ka faa’iidaysan kartaa muhiimadda istaraatiijiga ah ee Berbera iyadoo dhisaysa iskaashi ganacsi oo ku salaysan dan wadaag, hufnaan iyo nabad. Deked horumarsan iyo heshiisyo si wanaagsan loo maamulo waxay noqon karaan tiirarka koboca dhaqaalaha iyo doorka Somaliland ee ganacsiga Geeska Afrika.




















