Imtixaanka Dugsiga Sare Ayuu Iska Dhigay Gabadh

0
323

Wiil lagu magacaabo Oyan oo u dhashay dalka Kasaakhistaan ay xidhay timo artifishal ah, Toob, kabo iyo dhamaan qalabka ay  lahayd gabadh heshiis guur ka dhexeeyay  si ugu galo imtixaanka qalin jebinta dugsiga sare.
Kooxda baadhista ayaa ogaatay in wiilkani oo ay markaasi u malaynayaan gabadh in aanay ahayn qofkii runta ahaa ee kaadhka lahaa, ka dib markii ay  arkeen in farqi weyni u dhexeeyo sawirka kaadhka sito iyo wejigiisa.
Laakiin Waxa mar danbe la ogaaday inuu wiil yahay markii la arkay  timaha ku yaalla kubkiisa oo uu ilaabay inuu qariyo, markii uu soo xidhay haafka gaaban ee ay caanka ku ahayd gabadhiisu. Afhayeen u hadlay xafiiska imtixaanaadka ayaa isagoo falkan ka waramaya yidhi :”  Waxaan markii hore u haysanay inay tahay gabadh doonaysa inay walaasheed ama saaxiibadeed u gasho imtixaanka, marnaba shaki nagama gelin inuu yahay wiil ilaa mid naga mid ahi uu arkay timhaasi kubka oo uu na tusay”  “ Wakhtiga aanu qaadayno Imtixaanka dugsiga sare waxa na soo mara ariimo mucjiso ah, tanina waxay ahayd mid ka mid ah oo aanaan hore u arag, agana yaabo in ay hore u dhacday iyadoo lagu guulaystay”. Xukuumadda ayaa  Wiilkan ganaaxday lacag dhan 1400 Gini Ingriiska ah, iyadoo fadeexadaasina lagu daabacay warabaahinta si looga taxadiro. ( Al-Akhbar 14/06/15).

Leave a Reply