Xuutiyiinta Oo Deegaano Cusub Qabsatay

0
319

Wararka laga helayo dalka Yaman ayaa sheegaya in mucaaradka Xuutiyiinta ah iyo xulafadooda ay meelo cusub qabsadeen ka hor maalin wadahadalada nabadda ee ka furmaya Geneva.

Xuutiyiinta waxa ay sheegayaan inay qabsadeen xarunta gobolka waqooyiga ee ku dhow xuduudda Sacuudiga.

Mucaaradka waxa ay sheegayaan inay lawareegeen gacan ku haynta magaalada Al-Xazam ee gobolka Al-Jowf, iyadoo weli ay socdeen duqeynta ay geysanayaan xulafada Sacuudiga uu hogaaminaayo.

Xuutiyiinta ayaa la filaayaa inay ka qeybgalaan shirka Geneva Isniinta ka furmaya.

Waxaa sidoo kale shirkaasi tagi doona, wufuud kala meteleysa madaxweynaha masaafuriska ku maqan ee Cabdurabah Masuur Hadi, iyo madaxweynihii ka horeeyay ee Cali Cabdulla Saalax oo hadda garab siinaya mucaaradka.

Leave a Reply