Xiisadda Diblomaasi ee K/Afrika ka haysata Bashir

0
304

Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika ayaa kordhisay amar madaxweynaha Suudaan ka mamnuucaya in uu dalkaasi ka baxo.

Cumar Al-Bashir ayaa Koonfur Afrika uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika.
Maxkamada ayaa maanta la filayaa in ay dhageysato dacwad ku aaddan in madaxweyne Al-Bashir loo dhiibi karo maxkamada dembiyada caalamiga ah (ICC) oo u haysata dacwada ah in uu geystay dembiyo dagaal iyo xasuuq.
Suuragal ma ah in Koonfur Afrika ay xirto madaxweynaha Suudan, Cumar Al-Bashir, oo ay weliba u gacan geliso maxkamada ICC, in kasta oo ka xubin ahaan sidaasi laga doonayo.
Maxkamada ICC ayaa laba jeer oo hore jartay warqadii lagu soo xiri lahaa madaxweyne Al-Bashir, waxaana hadda Koonfur Afrika ay ka dooneysaa in ay u qabato.
Waaxda cadaalada ee Koonfur Afrika ayaa arrintaasi ka horjeeda, iyadoo la filayo in qareennada dowladda ay maxkamada sare u sheegaan in madaxweyne Al-Bashir loo ogolaado inuu dalkiisa ku laabto.
Qareennada ayaa sidoo kale la filayaa in ay ku doodaan in madaxweynaha Sudan uu Johannesburg ku joogo martiqaad uu ka helay Midowga Afrika, oo aanay casuumin dowladda Koonfur Afrika.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Suudaan, Ibrahim al-Ghandour, ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweyne Al-Bashir uu shirka kaddib Suudaan ku laaban doono.
Koonfur Afrika oo martigelineysa shir madaxeeda Midowga Afrika, ayaa waxaa soo wajahay xiisad diblomaasiyadeed, oo haddii uu Al-Bashir dalkaasi ka baxo ka hor go’aanka maxkamada, waxaa taasi ay keeneysaa in cid uun loo qabsado ku jeesjeesida maxkamada.

Leave a Reply