“Bedelkii Lacagtii Giim-baartu Waxay Ahayd Guul Qaran Oo Aanu Madaxweynaha Ugu Mahad Naqayno”

0
303

Burco(Dawan): Maayarka degmadda  Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad, ayaa ku tilmaamay  guul qaran  iyo dhibaato magaaladda Burco laga furdaamiyay  oo saamayn dhaqaale iyo mid caafimadba ku lahayd bedelaadda lacagtii  Giin-baarta ahayd ee shillinka Soomaaliya, taasi  oo magaaladda Burco laga isticmaali jiray ka hor saddex sano ka hor.
Hase yeeshee lacagtaasi  laga bedelay sanadkii 2012-kii, laguna bedelay lacagta shillinka Somaliland  oo imika laga isticmaalo.  waxaanu sidaasi maayarku  ku sheegay waraysi uu magaaladda Burco kula soo yeeshay wariye Faysal Xiis  Weerar (Afgaab)  oo ka tirsan weriyeyaasha  wargeyska DAWAN,  oo  safar shaqo ku tegay  gobolka Togdheer.
 
 
Maayarka Burco oo  ka waramayay waxyaabaha laga faa’iiday bedelaadda lacagtii Giim-baarta ahayd, waxa uu yidhi “Lacagtaasi waxay ahayd Aafo qaran oo ku  hadhay Burco dhqaale ahanna dabar ku haysay oo ka xidhay in ganacsiga magaalad koro inta waxaa ka sii darnaa caafimaad ahaan oo ay ktar badan ku haysay oo  qofku hadduu  tiriyo hlis u ahaa in uu samboor aan dawo lahayn ka qaado midna waa lagama  marmaan taasi oo ah in dal uu lahado lacg qaran oo uu gaar u leeyahay.
 
Markaa   bedelaadda  lacagtaasi waa guul qaran oo aanu uga mahad naqayno Madaxweynaha Somaliland oo markii uu taladdda dalka doorasho kula wareegay tallabadii ugu horraysay ee uu qaaday ay noqotay in uu bad baadiyo dhaqaalaha Burco oo lacagtii  Giim-baarta ah awgeed uu u  lumi jiray. Maantana Burco  horumarka ay ku tallabsatay wxaa sababay lacagtii giimbarta ahayd ee lga bedely.”
 
Maxamed Cabdiraxmaan Muraad, oo la waydiiyay su’aal ahayd in magaaladda Burco lagu xanto in ay laba qaybood oo laba beelood kala degan yihiin u kala qaybsan tahay, waxa uu ku jawaabay  “Burco waa mid kaliya waan Burco qudha burco labaadna ma jirto laakiin waxaa jira in aadmigu tartamayo oo  cidda ad ka dheerysaa ay jeceshay in ay wax ka sheegto hadaad ka soo bilawdo xilligii halgankii goanimo doonka Burco ayaa ugu horrysay oo gumaysi diidka  bilawday,haddii aad eegto waxbarasha waxa blaabay aabbihii waxbarshada Somaliland Maxamuud Axmed Cali oo reer Burco ah,
Haddii aad u fiirsato halgankii dib u xorynta ee SNM waxaa hormood ka ahaa oo bilaabay reer Burco haddaad eegto dib u dhiskii Somaliland iyo naadaybtii beelaha halkii la isugu yimi ee gogosha la dhigay waxay ahayd.  Burco waa halkii Somaliland lagaga dhawaqay,  marka arrimaasoo dhan ayanu kaga horrayna magalooyinka kale ee Somaliland wana sababta keentay in waa laba damopod iyo wa laba beelood nalagu dcydeeyo lakiin anagu  reer Burco oo mid ah yaaanu nahay waxa kaliya ee aanu ka wada shaqaynaana waa Burco horumarinteeda” ayuu yidhi md. Muraad.
 
Waxaanu intaasi ku daray “Burco,  haddii ay laba daamood tahay iyo waxyabaha laga sheegayo  kumaanu guulaysaneen in Burco ay yeelato shirkad kaliya oo laydh oo lagu midaysan yahay magalooyinka tartanku aga dheexeeyana maaha wax ka suura gal ah in ay laydh ku midoobn.
Laakiin Tartanka ciddaad ka badisaa eed ka yara dheeraysaa had iyo jeer  way ku dacaayadaynaysaa iyadoo aanay  xumaanina jirin.Laakiin   Burco waa Burco wax galbeedka Burco iyo Bariga Burco la yidhaahdo oo ay kala tahayna ma jirto.
 
 
 
Ugu danbayn isagoo maayarku fariin u dirayay shacabka ku dhaqan magaaladda Burco iyo guud ahaanba gobolka Togdheer, waxa uu yidhi  “Dadkayga reer Burco ee isoo doortay waxaan leeyahay aadmigu wuu tartamayaa waxaana lagu guda jiraa tartankii horumara mid aya inoo baln ah ayaan leeyahay tasoo ah in aynu dhanka horumarka  kula tartanno magaalooyinka kale iyo in  aad reer Burco ahaan gudihiina ku tartantaan degmo degmo iyo xaafad xaafad wax  u wada qabsiga,  anaguna dawlad hoose ahaan imika waxaanu idiin haynaa kun foosto oo Daamur ah.
 
Xaafaddii  ku guulaysata tartanka gudheenna ee qorshe waddo la timdda anaguna wxbanu la qabanaynaa waxan hadlka ku oo koobaya reer burcoow balanteenu waa tartnka horumaka iyo wax wada qabsiga.”

 By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply