Dhibaatadda Iyo Saamaynta Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 8aad

0
334

Khabiir dhinaca dhaqaalaha  ku xeel dheer oo ka hawl-gala Baanka adduunka oo la yidhaa Leora Klapper, sidoo kaldena daraasad ku sameeyay waxna ka qoray arrimaha isticmaalka “Mobile money” sannadkii 2014-kii  adeeggan baadhitaanka lagu sameeyay waa ka  la shaqeeya ee ku hawl-gala shuruucda  waxa uu khabiirkani xusay in adeegsiga lacagta “mobile money” ee dhinacyada ganacsiga iyo isku gudbinta lacagtu  tahay ta ugu deg-dega badan uguna jaban qiime ahaan, waxa uu ku tilmaamay khabiirku mid ka dhigaysa nolosha wax fudud oo aan lahayn dhibaatooyin iyo wel-weltoona, haddii sida toosan ee aan suuqa madow ahayn loo adeegsado.
 
Tusaale ahaan waxa uu soo qaatay khabiir Klapper dalka Tansaaniya oo uu sheegay in qaabka isticmaalka ee Bangiyadu noqdeen kuwa laban laabma oo uu korodhkoodu gaadhay illaa 40% (boqolkiiba afartan) sannadkii 2011kii. Waxaanu ku sababeeyay korodhkan isticmaalka Bangiga ee ka furashada xisaab socodyada (accounts) adeegsiga “mobile money” oo si xawle leh ay  u barteen dadku adeegsigiisa.
Guud ahaan waxa uu khabiirkani ku soo xidhay warbixintiisa oo ah mid ka soo baxday Baanka adduunka in dalalka bariga Africa uu shantii qofba hal qof xisaab socod (accounts) ku leeyahy Baanka adeegga “mobile money” ugu yaraan tiradda  kala  badh mid ah ay Bangiyada uga furan yihiin xisaab socodka caadiga iyo in ka kale ee mobile money.
Habka adeegsiga lacagtan “moblile money” waxa kale oo uu sheegay khabiirku in qaabkani uu si aad ah hoos ugu dhigay dembiyadii tiradda  badanaa ee hore uga dhallan jiray sidashada lacagaha kaashka oo markay arkaan ay budhcadu isku dayi jireen si kastoo ay ku dhici karaa.
Dhinaca kale waxa  uu ku dhiirigeliyay qaabka adeega “mobile money” ee waafaqsan shuruucda bangiyadu in dadku ku soo dhiiradaan hannaanka isticmaalka bangiyada.
Xisaab socodyadan dadku ka furtaan bangiyada ee adeega “mobile money” waxay dadku sida xisaab socodyada kale ee cadiga  looga  furto bangiyada u dhigtaan, ugala baxaan ayay tan “mobile-ka” ahna uga istimcaali karaan, ugana ogaanayaan mar kasta hadhaagooda. Geesta kale waxa uu akoonkiisa lacag uga gudbin karaa qof kale.
Haddaba, isticmaalka “mobile money” marka loo adeegsado qaabkan waafaqsan shuruucda baanka ee la ogyahay, hanaanka dhaqdhaqaaqa ee uu sameynayo adeegga “mobile money” maaha mid  dal ku keeni karta aafooyinka ka dhasha sicir-bararka, maadaama ay bangiyadii yo shirkadihii isgaadhsiintii si wada jira  ah gacanta ugu wada hayaan adeeggan dhaqdhaqaaqiisa.
Xeerka Baanka dhexe  ee Jamhuuriyadda Somaliland ee lam: 54/2012 ee uu hirgelintiisa qallinka ku duugay madaxweyne Axmed Maxamed  “Siilaanyo” waxa uu awood u buuxda u siiyey xeeerkani inuu isagu yahay hay’adaa kaliya ee faro-gelin dhinac kasta leh cid kasta oo doonaysa ama gacanta ku haysa hawlo la xidhiidha ka ganacsiga lacagta.
Si aan u ogaanno  qodobbada qeexaya awoodahaas ayaan halkan hoose idiinku soo gudbinayaa qodobka 5-aad ee tilmaamaya awoodaha madaxa banaan ee baanka dhexe ee JSL oo sidan u dhigan:-
QODOBKA 5’AAD
 AWOODAHA MADAX BANAAN EE BAANKA SOMALILAND

  1. Marka uu gudanayo waajibadkiisa, Baanka Dhexe ee Somaliland awoodo madax banaan oo uu wax ku maamulo oo ay ku jirto XEERKA BAANKA DHEXE inuu soo saaro shuruuc lagu fududeeyo dhaq-dhaqaaqyo nidaamsan oo awooda korontada (electronic transections) ku shaqeeya oo u dhexeeya Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Baananka kale iyo macaamiisha ay kala leeyihiin.
  2. Dhammaan shuruucda, tilmaamaha iyo amarada uu soo saaro Baanka Dhexe ee Somaliland ee ku aadan wax ka badan hal hay’ad waa in lagu daabacaa faafinta rasmiga ah waana inuu dhaqan galaa taariikhda ay faafinta ku soo baxda ama tariikhda kale oo lagu cayimo sharciga, tilmaanta ama amarka Baanka Dhexe ee Somaliland waa inuu geliyaa diiwan guud shuruucdaas, tilamaamahaa iyo amarradaa.
  3. Baanka Dhexe ee Somaliland wuxuu awood u leeyahay inuu geli karo xafiisyada baadhina karo, xisaabaha, Bugaagta, qoraalada iyo kayd- qoraal (records) Baanka, sariflaha lacagaha qalaad, hawl wadeen hab lacag bixineed, adeeg bixiye lacageed, adeeg bixiye daamaanadaha, hawlwadeenka habka wareejinta damaanadaha ama qof kale oo ruqsad ka haysta ama ka diiwaangashan Baanka Dhexe ee Somaliland si uu uga helo xog cidaas hadii Baanka Dhexe ee Somaliland u arko in xogtaasi lagama marmaan u tahay mas’uliyadiisa korjooganimo.
  4. Marka uu isticmaalayo awoodihiisa ama uu gudanayo waajibaadkiisa sharcigu siiyey Baanka Dhexe ee Somaliland waa inuu ka madax banaanadaa awood kale isagoo ku taagan ujeedooyinkiisa iyo inuu guto waajibaadkiisa, waa in dhammaan la ixtiraamaa madax banaanida Baanka Dhexe ee Somaliland, ciddina waa inaanay isku dayin inay saameyn ku yeelato ama farageliso hawlaha Baanka Dhexe ee Somaliland marka xubnaha go’aan gaadhista lihi ay gudanayaaan xilkooda.
  5. Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Agaasimeyaasha iyo Guddiga fulinta iyo xubin kasta oo shaqaalaha ka mid ah waxa xil ka saaran yahay inuu kor u qaado sumcada Baanka Dhexe ee Somaliland inuu yahay siyaasiyan Baan dhexe oo madax banaan si simana ugu adeegaya Somaliland oo dhan, waana in xubin kasta iska ilaalisaa wax xilkaa ka hor imanaya.
  6. Xubnaha Gudida agaasimayaasha Baanka dhexe ee Somaliland waxa ka reeban inay xubin firfircoon ka noqdaan arimo siyaasadeed intay xilka hayaan.

 
 
LA SOCO…………………………………………….

Leave a Reply