Carwadii u Horreysay Ee Shaqo Abuurka Dhalinyaradda Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
287

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa furay carwadii u horreeysay ee loo qabto shaqo abuurka dhallinyarada farsamayaqaanka Somaliland ah maanta.
Carwadan oo ay qabatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo kaashanaysa qaar ka mid ah hay’ado wadashaqayni ka dhaxayso oo muddo laba maalmood ah ka soconaysa huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taas oo ujeeddadeedu tahay dhiirigelinta shaqo abuurka, waxaanna ku kulmaya dhallinyarada xirfadlayda ah ee shaqo raadiska ah iyo in ka badan boqol ganacsato ay ka mid yihiin shirkadaha waawayn ee dalka oo astaamaha iyo waxyaabo ka mid ah badeecadahooda halkaasi ku soo bandhigay, isla markaana qorshuhu yahay in iyaga iyo dhallinyaradu isu helaan fursado ay isku xogwaraystaan.
Xaflad furitaan loo sameeyey carwadan, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Madaxtooyada, Xannaanada Xoolaha, Deegaanka, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Wasiir-ku-xigeennada Qorshaynta iyo Shaqada, masuuliyiin kale, wakiillo ka kala socday qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan iyo shirkadaha ganacsiga ee waawayn iyo marti sharaf kale oo badan.
 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Faarax oo hadal ka jeediyey madasha, ayaa ujeeddada ay ka leeyihiin carwadan oo ah dhiirigelinta shaqo abuurka, sidii la isku bari lahaa shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, gaar ahaan dhallinyarada iyo ganacsatada iyo kor-u-qaadista xirfadaha shaqo ee dalka oo aad u yar, waxaannu xusay baahida dalku u qabo in muwaadiniinta laga horreysiiyo ajnebiga oo loo dhiibo shaqooyinka ay qaban karayaan.
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ku hawlan sidii dalka looga samayn lahaa shaqo abuur waxay hadda gacanta ku haysaa mashruuc shaqo abuur ah oo loogu talogalay dhallinyarada dalka, kaas oo la gaadhsiin doono ilaa 1500 (kun iyo shan boqol) dhallinyaro ah oo sannadkan gudihiisa laga fulin doono dalka, waxaannu mashruucaasi ku jiraa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Faarax.
 
Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dawladda Prof. Maxamed Mixile Boqorre, ayaa sheegay in dhibaatada shaqo la’aanta ee dalka ay ugu wacan tahay xirfadihii gacanta oo yaraaday, isla markaana dawladda oo ay u shaqeeyaan 16,232 qof (lix iyo toban kun, laba boqol iyo laba iyo soddon) aanay dadku u wada shaqo tagi karin, waxaannu soo jeediyey in kor loo qaado barashada xirfadaha gacanta iyo aqoonta wax-soo-saarka dalka u leh, “Wasaaradda Waxbarashada waxaan ka codsanayaa in manhajka la beddelo oo la xoojiyo farsamada gacanta, kuwa wax-soo-saarka, xoolaha, kalluunka, beeraha iyo waxyaabaha la mid ah, ilaa aynu manhajkeenna wax ka beddelno arrintan ka biximayno,” ayuu yidhi Prof. Mixille.
Waxa kaloo xafladdaasi hadallo ka jeediyey Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Baandare, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Md. Cabdikariim Axmed Mooge iyo Maayar-ku-xigeenka caasimadda Md. Cabdicasiis Maxamed Cagoweyne, kuwaas oo dhammaantood ka hadlay baahida shaqo abuur ee dalka ka jirta iyo kaalinta dawladdu ka qaadatay yaraynteeda, iyagoo isku raacay in aanay jirin shaqo la’aani jirin ee dhibtu ka taagan tahay xirfado la’aan iyo dhalliyarada reer Somaliland oo mid waliba doonayo inuu u shaqo tago xafiis, sidaasi darteedna waxay shacabka iyo da’yarta ku booriyeen in xaqiiqada la waajaho oo loo diyaargaroobo shaqooyinka ku salaysan xirfadaha iyo maalgashiga wax-soo-saarka dalka ee dihin, isla markaana waxay ganacsatada ku booriyeen in ay caddaalad iyo aqoon ku saleeyaan shaqaalaha ay qortaan.
 
Sidoo kale, masuuliyiin ka kala socotay shirkadaha ganacsiga dalka ee Dahabshiil, Telesom, SBI, Somcable, Hass Petroleum iyo Daryeel Construction iyo wakiillo kala matalyey hay’adaha SOS iyo Save The Children oo gacan ka gaystay carwadan, ayaa iyaguna ka hadlay halkaasi oo soo dhaweeyey shaqo abuurka dhallinyarada, waxaannu mid waliba sharraxay doorka ganacsigooda ama hay’addiisu ka qaadato shaqaalaysiinta iyo soo saarista muwaadiniin xirfado iyo aqoon leh.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa tilmaamay in carwadani bilow u tahay dadaal wasaaraddiisu ku doonayso wax-ka-beddel iyo horumarin lagu sameeyo nidaamka shaqaalaysiinta iyo shaqo abuurka dalka, iyadoo la xoojinayo xidhiidhka ka dhexeeya shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha, waxaannu yidhi, “Carwadani waa bilow la isku waraysan doono, halkaa kaga hadhimayno ee waxay bilow u tahay shaqo aannu iska kaashanayno annagoo dawladda ah, shirkadaha iyo shaqo-doonka si aynu u xaqiijino suurtagalnimada shaqo aynu dalka u abuurno, maalgalin la sameeyo, dhiirigelin aannu siinno ganacsatada iyo xidhiidh wanaagsan oo ka dhexeeya shaqo-doonka iyo loo shaqeeyaha.”
 
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo si rasmi ah u furay carwadaasi, ayaa sheegay in ganacsatada iyo jaamacaduhu kaalin wayn ka soo qaateen horumarka dalka, balse kaalinta maqani tahay aqoontii farsamada gacanta, waxaannu yidhi, “Arrinta maanta dalkeenna ka maqani waa farsamadii gacanta, haddii aynu isugeyno dhaqaalaha iyo aqoonta wax badan oo shaqo abuur iyo maalgalin ah ayeynu dalka ka samayn lahayn, markaa waxaan ku dhiirigelinayaa baayac-mushtarka inay sameeyaan dugsiyo xataa gaar loo leeyahay oo farsmooyinka gacanta ah, waayo iyaguna wax bay ka helayaan, dalkuna wuu ka faa’iidayaa.”
“Annaga ayaa iska bilaabayna oo haddii hore wax nooga khaldameen xagga shaqaalaynta iminka Madaxweynuhu wuxuu nagu hoggaaminayaa sannadkan wixii ka dambeeya in shaqaale la hubo la qaato oo aan qof dambe nin jeclaysi iyo xigto wasiir leeyahay toona aan lagu qaadan shaqaale,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply