Sh.Maxamed Aadan Oo Madaweynaha Ku Bogaadiyay Hirgelinta Idaacadda Qur’aanka Kariimka

0
332

Hargeysa (Dawan) – Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada Somaliland, islamarkaana ah Imaamka Masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo masuuliyiinta Wasaaradda warfaafinta ku bogaadiyay hirgelinta Idaacadda qur’aanka kariimka, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu hormar la taaban fulisay mudddii ay tallada haysay.
Sheekh Maxamed Aadan waxa uu sidan ku sheegay munaasibad shalay loo qabtay sannad guurada labaad ee aasaaskii Idaacadda qur’aanka kariimka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna, waxa u yidhi “Anigoo Radio Hargaysa dhagaysanaaya ayaan maqlay  furitaanka warkii Idaacadda qur’aanka, shalay ayay ila hayd  maantana waynaga xusayna in laba sanno ka soo wareegtay, wakhtigaas waxaan idhi Jinku wuu carari doona haddii Idaacadda qur’aanka la hirgaliyay, haddna wakii laha Agaasimaha Idaacadda qur’aanku dadki Jinku geli jiray ayaa dalka ku yaraaday.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan
Sheekh Maxamed Aadan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Haddi aan indhaha layska tirayn Xukuumaddu wax badan ayay qabatay, waxaan qiraaya in waxqabadki ugu weyna noqonaayo Idaacadda qur’aanka kariimka, xaggayaga ileen culimadi ayaanu nahay oo dhinacaas ayaanu annagu ka eegaynaaye, runti Madaxweynahana waa tallaabo adduun  iyo aakhiroba uu ajar ku leeyahay “ILAAHAYOOW dalkii oo dhan ayan qur’aanki gaadhsiiyay “ ayuu odhan doona, anigu Boorama ayaan ku dhagaystay, oo Berbera ayaan ku dhagaystay waana Idaacadd runtii dad badani ay ku xidhanyihiin oo kasbatay.”
Sheekh Maxamed Aadan waxa uu intaas ku daray  “Waxan ku soo koobaya qur’aanka hadda ka baxa Ilaacaddu waa Shuyuukhdi waa weynayd ee caalamka, dee dhalinyaradda aanu hayno ee dalkeena joogtana in laga duubo oo laga soo daayo way fiicnan lahayd si ay iyana halkaas u higsadaan. Tartankii qur’aanka oo isna 13-bisha bilaabmaya soconaaya laba casho isna in laga baahiyo waan soo jeedinaya.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply