Qariib: Caadooyinka Arooska Iyo Geerida Ee Dacalada Dunida

0
338

Dalka Shiinaha waxa ka jira caado cajiib ah oo dhinaca guurka ah. Arooska ayaa habeenka aqal galka ku dul soconaya dhuxul dab ah oo la shiday isagoo xambaarsan aroosadda oo ay daawanayaan dadka arooska ka soo qayb galay. Ka hor gelitaanka gurigooda.
Shiinaha aya aaminsan in haddii aroosku u adkaysto dabkan isagoo xambaarsan aroosada uu nolosha inteeda kale u adkaysan karo isla markaana ay guulaysan doonaan.
Dhinaca kale Qabiilada Yanumamu ee kaymaha Amson ee u dhexeeya dalalka Barasiil iyo Vensuala ayaa caado u leh in marka qof ka dhinto ay kafan uga dhigaan caleemaha geedaha taasi oo ay sheegeen inay uga jeedaan in cayayaanku cuno jidhkiisa. Laakiin 45 maalmood ka dib ayay soo ururiyaan hadhaaga jidhka ka dibna waxay ku qasaan Moos, iyadoo intaasi ka dibna dadka goobta joogaa isu dhiidhibaan isagoo saxan weyn lagu qasay. Caadadan ayay aaminsan yihiin in Maydku ku gelayo janada.
 

Leave a Reply