Sariir Qofku Ku Seexan Karo Isagoo Taagan

0
324

Maalin kasta wax soo baxaya wax dadka yaab ku noqonaya oo mararka qaarkood aanay rumaysan Karin, kuwaasi ayay ka mid tahay sariir cusub oo la soo saaray taasi oo qofku isagoo taagan uu ku seexanayo.  Mararka qaarkood qofku isagoo shaqaynaya ayu u baahan yahay inuu yara nasto, si taasi ay u fududaato waxa la curiyay sariir u suurta gelinaysa qofka inuu seexdo isagoo taagan goob kasta iyo wakhti kasta.
Sariirtan ayay ku rakiban tahay qalab joojinaya buuqa , iyo weliba dallad haddii roob soo da’o ka celinaysa, waxa kale oo ay leedahay shandad lagu rido oo uu qofku ku qaadan karo. Shirkada samaysay oo Maraykan ah ayaa sheegtay inay sariirtan ku tijaabisay suuqyada ciddhiidhiga ah  Newyork, halkaasi oo qofkii sitay uu ku seexday muddo 40 daqiiqo ah.  Farsmooyinka Technoolajiyada ayaa qofka u sahalaysa inuu gaadho wax kasta oo uu maskaxda ku hayo.

Leave a Reply