Siyaasi u Dhashay Bangladesh oo lagu Xukumay Dil

0
309

Maxakamadda Sare ee Bangladesh ayaa dib u xukuntay dilka ka dhanka ah hogaamiye sare oo islaamiinta Bangladhesh ka tirsan oo lagu helay in uu danbiyo dagaal geystay intii lagu guda jiray dagaalkii madaxbanaanida looga raadinayay dalka Pakistan sanadkii 1971dii.
Cali Axsan Maxamed oo ah sarkaalkii labaad oo ka tirsan Xisba Jamaacatu Islaam ayaa lagu heley sanadkii 2013 shan danbi oo ay ka mid yihiin dil iyo jidh dil.
Mr. Maxamed ayaa waxaa uu ahaa hogaamiyahii Ururka Al badar oo maleeshiyadiisu ay khaarijiyeen xeyn aqoonyahano ah.
Qareenka Mr. Maxamed ayaa sheegay in ay dalban doonaan in dacwada ka dhanka ninkani dib loo eego.
Marar hore ayaa waxaa jiray xukuno ka dhan ahaa  laba mas’uul oo sare oo ay maxakamadda sare ee Bangladesh ku gacansaydhay in dacwadahooda dib loo eego, ka dibna labadii mas’uulba waa la deldelay.
 

Leave a Reply