Hogaamiyihii Alqaacida ee Yaman oo lagu Dilay

0
335

Ururka Alqaacida ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in uu hogaamiyahoodu ku dhintay todobaadkii la soo dhaafay weerar xagga cirka ee uu Mareykanku qaaday. Waxaa la dhintay laba qof ee kale.
Fidiyow la soo dhigay Internetka ayaa lagu sheegay in Nasir AL wuhayshi lagu dilay weerar ay qaaday diyaarad aan duuliye laheyn oo ka dhacay magaaladda dekadda leh ee Mukalla ee gobolka Xadrumoot.
Nasir Al Wuhayshi ayaa mar aad ugu dhawaa hogaamiyihii hore ee ururka Al qaacida Usma Bin Ladin.
Kooxdiisa oo loo yaqaano Al qaacidada Jasiiradda Carabta ayaa waxay mas’uul ka aheyd dhowr mu’aamaradood ee ka dhan ahaa dalka Mareykanka. Sidoo kale, waxuu ururkaasi ka danbeeyey weerarkii ka dhacay magaaladda Paris ee lagu qaaday wargeyskii Chalie Hebdo.
Afar Mas’uul oo sare oo ka tirsan ururkan ayaa dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay lagu dilay weerarada cirka ee uu Mareykanku qaaday. Waxaana soo baxaya warar la isla dhex marayo oo sheegaya in laga yaabo in ururka dhexdiisa ay ku jiraan dad u shaqeeya ciidamada sirta.

Leave a Reply