Nin Raashinkiisu Yahay Hilibka Gorgorka

0
323

Raashinka qofku cunayo ayaa ah mid ku xidhan dookhiisa iyo sida uu ku helayo. Waxa laga yabaa cunto qof  jecel yahay in mid kalena ay la tahay arrin yaab leh. Nin badmareen ah oo u dhashay dalka Spein ayaa raashinkiisa caadiga ah ka dhigtay hilibka Gorgorka, kaasi oo uu maalin kasta cuno. Badmareenka shaqada ka fadhiistay oo lagu magacaabo Jose Ramon ayaa muddo 27 sano ah raashinkaasi cunayay isla markaana dadka  ku casuuma. Ninkan oo ku nool magaalada Valderubis ee dalka Spain ayaa arintan ku helay inuu noqdo qof caan ah oo la yimi cunto dad badan qariib ku ah. Gorgorka ayaa ah mid inta badan dhaawac ah oo aan duuli karayn, isagoo quudaya inta ay gaadhayso wakhtigii uu duban lahaa, waxaana uu ka soo ugaadhasadaa goobaha uu ku nool yahay ee dalkaasi.
 

Leave a Reply