Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta Oo Soo Gabo-gabeeyay Tabobar Loo Qeybtay Xoghayeyaasha Xafiisyadda Wasaaradda

0
366

Hargeysa (DAWAN)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta  Maxamed Cilmi Aadan,  ayaa shalay soo gabo-gabeeyay  tababar loo qabtay xoghayeyaasha   xafiisyada kala duwan ee wasaaradaasi .
Tababarkan oo muddo saddex cisho ah socday ayaa waxa iskaashaday wasaaradda warfaafinta iyo hay’ada shaqaalaha dawladda. Tababarkan waxa mudadii uu socday ka qeyb-gelayaashii lagu tabobaray duruus la xidhiidha hababka casriga ah ee looga baahan yahay inay ku shaqeeyaan Xoghayeyaasha wasaaradda Warfaafintu. Waxaanu qeyb ka yahay qorshe wasaaradu ku doonayso inay kor ugu qaado xirfada shaqo ee hawl-wadeenadda wasaaradda warfaafinta.
Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase)  oo gabo-gabadii tabobarkaasi ka hadlay  ayaa ka waramay ahmiyadii uu tabobarkani ugu fadhiyo shaqada wasaaradda warfaafintu u hayso bulsho weynta Somaliland.
Agaasimuhu waxa uu ka qeybgaleyaashii tabobarkan ugu baaqay inay si maskax leh ay macluumaadkii ay ka korodhsadeen tabobarkan ay ugu dabo-qaan hawl-maalmeedkooda shaqo.
“Tabobarkani waxa uu ka mid yahay  qorshaha horumarinta tayada shaqaalaha, waayo haddii aan tayada shaqaalaha kor u qaadin shaqada la maamulayaa meel fiican innoo gaadhi mayso.Tababarkanina waxa uu ka mid yahay tababarada joogtada ah ee aynu soo wadnay muddo oo qaybaha kala duwan ee wasaaradda la siiyo,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafintu.
 
Maamulaha  idaacada Radio Hargeysa Maxamed Siciid Muxumed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay faa’iidada tababarkaas  waxaanu yidhi “Wasaaradda warfaafinta iyo hay’ada shaqaaluhu ayaa iska kaashaday sidii tababar loo siin lahaa xoghaymaha kala duwan ee xafiisyadda wasaaradda warfaafinta. Tababarkan la Idin siiyay waxa uu faa’iido u ahaa sidii xogta aad haysaan maamulka ugu ilaalin lahaydeen iyo sidii loo kala wadi lahaa hawlaha xafiisyada kala duwan ee wasaaradda.”
Agaasimaha Guud waxa uu gabo-gabadii tabobarkaasi shahaadooyinkoodii guddoon siiyay shaqaalihii ka qeyb galay tabobarkaasi oo sheegay in aqoon balaadhan ay ka kasbadeen mudadii uu socday.
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply