Wasiirro Kulan Isku Soo Hor Fadhiisiyay Waxgaradka Laba Ardaa Oo Ku Muransan Waqooyiga Burco

0
297

Burco (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Wasiirul dawlaha Wasaaradda maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa shalay magaalada Burco kulan kula yeeshay odayaal dhaqameedka labada beelood ee uu dhexeeyo muranka dhuleed ee deegaanka Bali-diiriye Guuleed ee waqooyiga Burco.
Kulankan waxa Wasiirradan ku wehelinayay Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo ergada Golaha Guurtida oo Burco u jooga xal u helida muranka ka taagan deegaankaasi.
Wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Warancadde ayaa dhinacyadan ku muransan deegaanka Bali-diiriye Guuleed u jeediyay hadalo dardaaran ah “Horta ta aan idiinka ka digayaa waxa weeyaan inaan siyaasada Nin magaalo jooga oo aan camal hayn oo  af xoog leh ah oo aan idiin furi doonin, inaad hoosta iskaga xidhataan labadiina qoys  ee wax wadaaga intiinaasi oo bulshaduna wey idin wada sugaysaa, haddii qolo dabciso xadhiga ceeb maaha, laakiin in ay bogiina burcad isku mariyaan oo isku kiin soo dhaweeyaan oo marba meel idinka tusaan bay idinla joogaan, inta arrintaasi dhammaanaysana wey idinla joogayaan. Idinkuna kuwii xadhiga dabciya ee xaga wanaaga ka eega inaad noqotaan, dhulkaasuna guuri maayo.” Ayuu yidhi Wasiir Warancadde.
Wasiiru dawlaha Wasaaradda maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay ergada Golaha Guurtida ee ku hawlan xal u helida murankan dhuleed, waxaanu yidhi “Waxaan jeclahay inaan u mahad-naqo Guurtida Xildhibaanada ah ee halkan fadhiya oo runtii marka hawluhu adkaadaan lagu soo ciiro laguna badbaado, dadka aad matashaana dan bay u tahay idinkana dan bay idin tahay, weynu wada ognahay oo halkaasoo qudha maahee beelo badan baad ku wada nooshihiin, waar dee sidaad kuwaa ugu wada nooshihiin ayaad tana ugu wada noolaanaysaan. Hawli idinkuma yara, ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu idinla qabto oo idinkuna aad aamintaan.”
Dhinaca kale Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayso xal u helida muranka dhuleed ee ka taagan deegaanka Bali-diiriye Guuleed, islamarkaana ay ku hawlan yihiin ergada Golaha Guurtida ee dhexdhexaadinta galay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna, waxa u yidhi “Arrintaasu meel wanaagsan bay maraysaa Wasiir, waxaanay u baahan yihiin labadaa dhinac ee walaalaha ahi. Dhulka haddaad aragto waa 9  kilometers ama 10  kilometers labada magaalo ee dhisani intay isku jiraan.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply