Arooskii Ayaa U Baaqday Shilal Isdaba Joog Ah

0
333

Nin Sacuudi ah ayaa baajiyay arooskiisa ka dib markii  ay dheceen shilal isdaba jog ahi. Ninkan ayaa gabadha ku mehersaday saddex awr iyo saddex halaad ka diban ku warjeejiyay qoyska gabadha dhalay.
Haddaba markii gaadhigii lagu qaaday meherkaasi ayaa wiilka loo soo sheegay in gaadhigii uu shil galay , laakiin aanay waxba noqon xoolihii.
Arinkaasi waxba kama soo qaadin wiilku ,  laakiin wax yar ka dib ayaa haddana loo soo diray telefoon in gaadhigii kale ee qaaday uu haddana shil galay oo wakhtigan dhimatay mid halaha ka mid ahayd. Iyadii ugu danbaystii geela intii hadhay ay si nabad ah u gaadheen guriga.
Waxase yaab noqotay markii wiilka laftiisa uu ku soo booday xanuuna degdeg ah oo loola carary isbitaalka. Arimahaasi ayaa labada qoys ku keenay yaab waxaana la joojiyay arooskii.

Leave a Reply