Nin ku soo Dhuuntay Taayirka Diyaarad oo Meydkiisa laga Helay London

0
277

Booliska Britain ayaa baadhaya dhimashada nin loo maleynayo inuu ka soo dhacay diyaarad oo meydkiisa laga helay saqafka sare dukaan ku yaal galbeedka London. Mid kale ayaa isna la dhigay cusbitaalka.
Labada nin ayaa waxaa loo maleynayaa iney  isku soo  qariyeen lugta hoosteeda duulimaad ka yimid Johannesburge, kuna socday garoonka diyaaradaha Heathrow.
Ninka dhaawaca ah oo isaga laga dhigey xamaanta hoosteeda ayaa xaaladiisu aad u liidataa. Booliska ayaa sheegaya in aan weli la xaqiijin in ay labada kiis xidhiidhaan. Ninkan oo 24 jir ah ayaa saraakiishu rumeysan yihiin in ay garanayaan magaciisa, balse waxa ay sugayaan xaqiijin.
Socdaalka dayaarada oo ahaa  5,600-mile  (9,012km) min  South Africa  ilaa  UK  ayaa badanaa qaata ilaa  11 saacadood.
British Airways ayaa sheegtay in ay kala shaqeynayaan booliska magaalada iyo masuuliyiinta  Johannesburg in la helo xaqiiqada ku gedaaman keyskan aad naadirka u ah.
Ninka dhintey oo aan la xaqiijin magaciisa ayaa baadhitaan lagu hayaa.
 
Bishii september ee sanadkii 2012-kii ayuu nin u dhashay Angola (jose Matada) dhintay, markii uu ka soo dhacay diyaarad ka timid Luanda oo Heathrow ku socotay, isagoo ku dhacay waddo ku taal galbeedka London.
Baadhis ayaa lagu dhageystay inay suurgal tahay inuu ku badbaaday heerka cimilada ee ka hooseeysay lix duulimaadkii 12ka saacadood ahaa, balse ay suurgal tahay inuu dhintay ka hor intuusan dhulka ku dhicin.

Leave a Reply