Burco: Magaalo Cisbitaalkeedu Xidhmayo oo uu Gurmad u Baahan Yahay

0
356

Burco(Dawan):- Qofka ay ugu dambaysay Burco muddo ku siman ugu yaraan shan sano waxa uu ku arkayaa waxyaabo kala duwan oo dhamaantood ku cusub dhaayihiisa oo aanu Burco hore ugu ogayn ama dabadii ka hirgalay. Hadaba waxay ahayd 05/06/2015 maalin jimce ah markii aan safar shaqo ugu baxay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Waxaan goor fiid ah oo maqrib kortii ah ka dhaqaaqnay magaalada Hargeysa anagoo u sii jeedba Burco intaanu jidka ku sii jirnay waxaa uu raxmaadka EEBBE nagu hooray oo roobka dhibiciisu na soo gaadhay markii aanu haleeya waxyar dhaafnay roobkasoo na hayay illaa aanu gaadhnay magaalada Dhubato, wuxuu ahaa roob aad loogu qabawsaday oo deegaanka biyo dhigay  wax dhibaato ahna aan u geysan dad iyo duunyo midnaba.
 
Burco,  waxaanu galnay goor habeenimo ah oo ay saacadu ku siman tahay illaa 11 habeenimo.
Markiiba waxay indhahaygu qabteen intaanaan hore buro u galin xaafad ku taalla waqooyiga Burco oo si wanaagsan oo qaabaysan u dhisantay oo intaanad magaalada galin ay u baydhayso waddo  laamiga dhanka bari uga baydhaysa.
Burco,  markii aanu gudaha u galnay waxay indhahaygu durba qabteen dhismayaal dabaqyo ah oo dhaadheer oo meelo kala duwan oo magaalada ah ka dhisan iyo kuwo dhismahoodu socdo.
Burco markii iigu dambaysay saacadaha dambe may lahaan jirin gaadiid dadwayne  oo dadka xaafadaha fog fog degani ay raaci karaan haddii ay xilli dambe magaalada yimaadaan ama muraad suuqa ah ay kuba raagaan laakiin habeenkaa  sidaa way ka duwanayd waxaanad helaysay basaska dadwaynaha qaada oo istaamada ka rakaabsanaya waxaa kale oo habeenkaa ku cusbaa indhagayga gaadiidka loo yaqaan bajaajka oo si weyn uga dhex shaqaynaya magaalada.
Habeenkaa intaa aragti ka badan kamaan dhugan sidaas ayaanan ku seexday.
Subaxnimadii markay saacadu ahayd abbaaro 7 dii waxaan soo beegsaday xarunta Dawladda Hoose ee Burco waxaa ka socotay shaqo maalmeedkeeda caadiga ah waxaana ku sugnaa masuuliyiinta ugu sarraysa iyo guud ahaan shaqaale weynaha dawladda hoose waxaan isasoo hor taagay  mid ka mid ah xafiisyada dawladda hoose oo dadku aad u gal galayaan askar ka celinaysaana aanay jirin.
 
Waa xafiiska Maayerka degmada Burco ahna Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada durba waxaan eegay in sida magaalooyinka kale ee Somaliland badankooda aan kusoo arkay in ay jiraan balamo lagu gelayo xafiiska Maayerka iyo in dadka laga celinayo laakiin waxaan la kulmay wax sidaa ka duwan  waa xafiis Maayeroodadka u furan qof kastaana gelayo oo uu muraadkiisa kala hadlayo.
 
Intaanan gelin waxaan u dhaafay dhanka xafiiska Maayer xigeenka isna waa la mid oo dadweyanaha wuu u furan yahay waan ka sii gudbay oo waxaan tegay xafiiska xoghayaha dawladda hoose  isna waa la galayaa oo laga soo baxayaa.
 
Waa nidaam maamul oo dawladda hoose ee burco ay kaga duwan tahay inta badan masuuliyiinta dawladaha hoose ee magaalooyinka waawayn waana magaala masuuliyiinteeda iyo dadweynaheedu ay mar kasta kulmayaan oo ay is arkayaan kana wada hadlayaan arrimaha ay uga maarmi waayaan in ay wax ka weydiiyaan masuuliyiinta degmada ugu sarraysa.
 
Intaa waxaan uga gudbay in aan booqdo qaybaha kala duwan ee magaalada gaar ahaan xarumaha adeegyada bulshada waxaan tegay Xarunta wakaalada biyaha Burco oo ay xilligaa ka maqnaayeen Maareeyaha iyo kuxigeenkiiuba  sida la ii sheegayna inyar ka hor ayay xafiiska ka bexeen.
 
Waxaan uga soo gudbay xarunta gobolka oo xilligaa uu ka maqnaa guddoomiyaha gobolka Togdheer oo Hargeysa ku soo maqnaa.
Waxaa kale oo aan soo booqday waaxyaha waxbarashada gobolka Togdheer oo ay shaqo ka socotay.
Waxaa xusid mudan in  markii iigu horraysay Burco aan ku arkay iyadoo aan laga isticmaalayn lacagtii giimbaarta ahayd taasoo ay dadwaynaha Burcomarkaad la sheekaysato ay ku odhanayaan aafo qaran oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo naga dul qaaday ayay ahayd.
 
Burco waxaa ka socda horumar dhanka ganacsiga ah oo ay ku tartamayaan ganacsatada gobolka Togdheer waxaa kale oo ay reer Burco ku guulaysteen in ay yeeshaan shirkad kaliya oo laydhka magaalada u shida oo ay ku midoobeen shirkadihii laydhku.
Burco hadday sidaa uga horumartay dhanka ganacsiga waxaa kale oo ay  ka gudubtay dhibaatada dhulka oo muddo ka hor   ahayd dhibaatada ugu weyn ee reer Burco isku dilaan dilalka ugu badanina ka dhici jireen.
Laakiin Burcada sidaa u horumartay waxaa ka jirta dhibaato kale oo ay masuuliyiinta heer degmo iyo bulshaduba ay qiraal ka yihiin xilliganna ay ka wada arrinsanayaan sida xal loogu helayo taasoo ah dhibaato la soo gudboonaatay Cisbitaalka guud ee Burco oo xiligan in uu xidhmo qarka u saaran.
Cisbitaalka Burco ayaa u xidhmaya xaalad dhaqaale xumo oo la soo deristay iyo dawo la,aan waxaanay reer Burco wax iska weydiinayaan markaad la sheekaysato sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatada ka taagan cisbitaalka guud ee magaalada.
Waxaa jirta in  dhakhaatiirta  iyo  shaqaalaha ka hawl gala magaalada Burco in aanay muddo mushahar qaadan.
Masuuliyiinta Burco ayaa xaalada ka taagan Cisbitaalka guud ee magaalada Burco waxay iskaga riixeen wasaaradda caafimaadka oo ah hayada leh masuuliyadda koobaad ee Cisbitaalka Burco.
Ugu dambayn warbixintan waxaan ku soo koobayaa Burco Cisbitaalkeedu  ma ka bixi doonaa dhibaatada soo foodsaartay oo dib ma u hawl gali doonaa mise Burco  dadkeedu waxay magan u ahaan doonaan dhakhtarada gaarka loo leeyahay.
Warbixin:  Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply