Daryeelka Naxariista Leh!

0
217

Arin aad uga yaabiyay dad badan ayaa ka dhacay dalka Shiinaha. Nin kaย  mid ah ganacsatada tijaartaย  ah ee dalkaasi ayaa booqasho ku tegayย guri dabaq ah oo ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee Shiinaha.

Waxaana uu halkaasi kula kulmay islaan daโ€™ ah ka mid ahayd dadka degan dhismahana. Ganacsadahan ย weyn ayaa islaanta siiyay lacag dhan malyuun lacagta dalkaasi ah oo u dhiganta 160 kun oo doller.ย  Markii la weydiiyay sababta uu u siiyay lacagta xadigan lehna islaanta saboolka ah , wuxu sheegay inayย  gabadhani ย tahay tii ka danbaysayย  sirta guushiisa.

Ninkan ayaa intaasi ku darayย  in muddo 20 sano ka hor ah, oo ay daโ€™diisu ahayd 17 jir, ย  kana mid ahaa ciyaalka seexda derbiyada suuqa, ay gabadhan oo lahayd dukaan lagu iibiyo baastada ay halkaasi ka kaxasay. Waxayna isiisay raashin, hoyย  waxayna ila raadisay shaqo ayuu yidhi. Waxa kale oo ay siin jirtay ayuu yidhi lacagta aan ku raaco Tareenka.

Waxaana uu sheegay in aanu ilaabi Karin sidii naxariista lahayd ee ay uga qayb qaadatay guushan maanta uu haysto. ย Waxaana uu celiyay abaalkaasi iyadoo ay yar tahay dadka abaalka sida saxda ah uga jawaaba