Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 9-aad

0
315

Marka aynu eegno qodobada 4aad iyo 5aad ee xeerka Bangiga dhexe ee JSL, waxa ay si cad u qeexayaan awoodaha uu xeerkaasi u siiyey inuu bankigu wax ka qabto hoos u dhaca qiimaha shillinka Somaliland iyo dhammaan wixii ku lug leh ka ganacsiga lacagta oo aan ka xusayno  kuwa dalkeenna ka jira ee loo yaqaan “Mobile Money” oo ganacsada lacagta, iyagoo aan ku dhaqmin wax xeer ah oo u fasaxaya ganacsiga noocan ah.
Xeerkan bankiga ee la ansixiyey 2012kii, waa mid uu bankiga dhex muddo sugayey si uu wax uga qabto sicir-bararka (inflation) kadib markii, in sare u sii socdo mooyee la arki waayey inuu hoos u soo noqdo dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyay, iyadoo kor u kacaa loo nisbeeyo in sabab uu u yahay bilowgii isticmaalka adeegga Mobile money oo meel u gaar ah ku shubtay lacagtii adkayd ee dibedda dadka uga iman jirtay iyo tii kale ee gudaha kasoo baxday-ba meeshay doonto ha kasoo baxdee.
Waxa kaliya oo taariikhda Somaliland marka dib loo raaco laga xusi karaa, waqtigii uu madaxweynaha JSL ee maanta Mudane Axmed Maxamad “Siilaanyo” ka noqday dalka wasiirkii maaliyadda sannadkii 1997kii, isagoo suurtageliyay inuu si aad ah u ilaaliyo qiimaha lacagta Somaliland, taasoo la odhan karo waxa uu sameeyey jaangoyn dhaqaale oo suurtagal ka dhigtay, deganaanshaha qiimaha lacagta iyo ta badeecadahaba, waxana xidhiidh wada shaqeyneyd ka dhaxeeyey Bankiga iyo Maaliyadda.
Waxa xilligaa halka dollar lagu sarrifi jiray 2700 Shs. SL (laba kun iyo toddoba boqol oo shillin Somaliland) iyadoo ay tobankii litir ee shidaalka ahna uu qiimahoodu ahaa 9,000 Shs. SL (Sagaal kun shillin Somaliland), halka ay maanta ka yihiin isla tobankii litir ee shidaalka ahi 75,000 Shs. SL (shan iyo toddobaatan kun shillin).
Xaqiiqo ahaan korodhka kor u kaca qiimaha oo ah in ka badan 800% (boqolkiiba sideed boqol) oo ah mid aanu qaadan Karin caqliga fayoobi, isla markaana yahay mid sameys oo ka dhashay nidaam la’aan, iyadoo gees laysaga leexiyey xeerarkii iyo shuruucdii wax lagaga qaban lahaa korodhka, ayaa  ka baxsan  xataa xuduudaha sicir-bararka lagu yaqaan.
Tan iyo intii uu dalka ka bilaabmay isticmaalka adeegyada “mobile money” ee aan wadan amase aan ku shaqeyn xeerarka ay ku dhaqaan Bangiyadu adeeggan, waxay  horseed ka noqdeen inuu qiimo beelo shillinkii Somaliland, oo wax lagu kala iibsado lacagta doollarka ee Mareykanka, wax walbana qiimahoodu uu cirka isku shareero ilaa uu ka gaadho kor u kaca sicir-bararka heerkii aan tusaalaha u soo qaadaynay ee shidaalka oo ah halka uu marayo maanta sicir-bararku oo ah mid u baahan gurmad wax ka qabasho oo degdeg ah.
Arrintan wax ka qabashadeeda iyo dib u sixitaanka adeegyada “mobile money” waxa xilkeedu dusha ka saaran yahay Bankiga dhexe, maadaama uu yahay hay’adda (institution) u qaabilsan Qaranka iyo xukuumaddaba inuu ka hawlgalo deganaanshaha lacagta iyo la socodka qiimaha badeecadaha kala duwan oo ay ugu horreyso ta maceeshaddu.
Ma muuqto sabab uu indhaha uga qarsado Bankiga dhexe inuu wax ka qabto adeegga “mobile money” ee aan lahayn meel laga kantaroolo iyo meel lagala xisaabtama toona, waayo waa mas’uuliyad iyo waajibaad isaga lagula xisaabtamayo if iyo aakhiraba. Sidaa darteed waa inuu adeeggan “mobile money” waafajiyo xeerarka ay dalalka inala midka  ahi kaga shaqeeyaan shirkadaha ka ganacsada adeegyada “mobile money”
Maaha mid la aqbali karo, in lacagtii adkayd ee dalka dibedda uga iman jirtay ay meel ku shubtaan shirkado, halkay ka ahayd inay lacagahaa adagi ku soo xeroodaan Bangiyada, haddii la waayana ay sideenii hore ugu dhex wareegaan seyladaheena ganacsiga ee kala duwan. Maanta dunida dhaqaaluhu waxa uu kow ka yahay awoodaha laysku muquuniyo, halkii awal laysku muquunin jiray qori caaradii, waayo waxa la ogaaday inaanu xataa qorigu shaqeyn Karin dhaqaale la’aan ama haddaan si kale u dhigo ay qoriga adeegsan karto hadba ciddii leh awood dhaqaale oo ay ku dagaal gelin karaan muddo dheer iyo mid gaabanba.
Tusaale  haddaan soo qaadano, waxa ay dhawaan cunaqabateyn xaga dhaqaalaha saareen reer galbeedku dalka Ruushka, iyagoo ku cadaadinaya inuu taageerada milateri ee uu siiyo kooxaha dagaalka kala soo horjeeda dhinaca siyaasadda dalka  Ukraine, inuu ka joojiyo taageerada Millateri ee uu Ruushku u fidiyo kooxaha isaga tabacsan, taasoo Ruushka haatan ku noqotay mid durba dhulka dhigtay dhaqaalihii dalka.
 
LA SOCO………………………

Leave a Reply