Dalka Ingriiska Hooyo ay ilamheeda oo saddex sano jiray guriga kuwada noolaayeen ayuu ku soo booday xanuun kedis ah. Hooyada aya dhimatay muddo yar ka dib ,wiilka ayaa saddex maalmood maydka hooyadii iska ag joogay oo marna seexanayay, isagoo isku deyay inuu toosiyo mararka qaarkood. Hooyadan oo lagu magacaabi jiray Leidia oo 28 jir ahayd ayaa ku dhimatay gurigeed oo ku yaal Scotland maalnitii arbacdii, lama sheegin ilaa hadda sababta dhimashadeeda. Aabaha hooyada dhimatay dhalay ayaa sheegay inay wax xidhiidh ka waayeen sidaas darteedna ay guriga yimaadeen kaasi oo ay kala kulmeen wiilka yar oo lagu magacaabo Kein oo hadda Isbitaalka lagu dawaynayo.