Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Ka Warbixiyey Siday Ciidamada Socdaalku Uga Hawl-galaan Madaarka Hargeysa

0
326

Hargaysa (Dawan)- Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland Gaashaanle sarre Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) ayaa ka warbixiyey sida ciidamada laanta socdaalka ee madaarka ka hawlgala ula shaqeeyaan maamulka iyo shaqaalaha madaarka Hargeysa.
Gaashaanle sarre Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), waxa kale oo uu ka hadlay sida dadka qurbo jooga ahi ay u amaanaan waaxda laanta socdaalka ee madaarka, oo uu sheegay in ay shaqeeyaan si heer caalami ah, taliyaha oo arimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “Farxad wayn bay ii tahay inaan ku faani karo laanta socdaalka iyo wax qabadkeeda oo uu aabe u yahay wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland, oo aanu wasaaradiisa ku dhex jirno, goor kasta madaarka Barbara iyo madaarka Hargaysa  oo ah wajiga laga soo galo dalka , qofka ugu soo horeeyaa uu arko laanta socdaalka.”
Taliyaha laanta socdaalka Somalliland waxa kale oo uu intaa ku daray “Dadku marka ugu horraysa ee ay ka soo dagaan madaarka, laanta socdaalka ayay u yimaadaan iyaga oo kuyuu ku jira oo u habaysan oo ay leedahay kamaradii qofka dhaqdhaqaaqiisa lagala socday, waxyaabaha kale ee na caawiyey ama dadka dibada inagaga yimid ay nagaga mahad sheegtaan waxa ka mida laynka la sameeyey, ku dhufashada basaboorka, raaca ka dambeeye ee wasaarada maaliayada oo sida sharciga caalamiga ah ay had iyo jeer wasaarada duulista ku dadaasho inay madaarkan gaadhsiiso xeerka caalamiga ah sida xaga amniga, xaga shuruucda, xaga dhaqdhaqaaqa, xaga servic-ka, markaa aniga oo ah madax socdaalka Somaliland, waxaan aamin sanahay inaan ku faani karo maanta wasaarada duulista iyo hawada  iyo laanta socdaalka wada shaqayntiisu inay tahay mida kaliya ee lagu meel gaadhay, xaga amniga, dhaqaalaha  iyo caafimaadka, caafimaadka oo kale laanta socdaalka ayaa ugu soo horaysa oo iskaga dhiga oo basaboorkiisa qaada, dhaqaalaha tirada dalka soo gasha tiriya, amniga isagaa inaga hubiya qofka binu aadamka, taasna wax naga suurto galiyey wasaarada duulista oo kamarad baa lagu rakiboo qof kata dhaqdhaqaaqiisa lagala socdaa ilaa inta uu ka baxayo.”
Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf, wuxuu intaa ku daray “Haddii shandad laga qaado goobtaad ugu tagaysaa sidii horaba u dhacday, waxa kale oo dadka dibadaha joogaa marka ay tagaan nooga mahad sheegtaan, wakhtigaas ayaan soo galay taariikhdii baa iga luntay ee noo baadha, waxaanu ka eegaynaa arkiifiyada laanta socdaalka taariikhda qofkaas soo galay oo waadixa, waxyaabahaas oo dhan waxa noo suurto galiyey wasaarada duulista iyo hawada waana ugu mahad naqaynaa wasiirka waxtarkiisa iyo waxtarka uu gaadhsiiyey dalka iyo dadka”
By. Cabdi M. Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply