Hargeysa (DAWAN) Ganacsatada Xawaaladaha lacagta iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo ka mid ahaa ganacsatadii dhowaan xukuumadda kula heshiiyey inay kala shaqayn doonaan dedaalka ay ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha lacagta Somaliland, isla markaana wax looga qaban lahaa dhibaatada weyn iyo culayska dhaqaale ee ay Ummada reer Somaliland ku hayaan sicir bararka iyo kor u kaca xad-dhaafka ah ee qiimaha sarifka lacagta doolarka, ayaa haatan si wada jir ah u bilaabay nidaam cusub oo ay ku doonayaan inay ku fashilinayaan qorshihii xukuumadu u dejisay wax ka qabashada arrimahaas. Kaas oo ay ganacsatadaasi u arkeen qorshe ka hor imanaya maslaxadooda gaarka ah.
Sidaas daraadeed, ganacsatadda ku xoogsata shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Xawaaladahu waxa ay dedaal xoog leh u galeen sidii aanu u hirgeli lahayn ee ay u wiiqi lahaayeen barnaamijka xukuumadda ee ku saabsan kor u qaadida qiimaha lacagta Qaranka iyo la dagaalanka aafada sicir bararka iyo sarif bararka ah ee wadanka ka jira, oo xiligan gaadhay heer dadweynaha intooda badani ay goyn kari waayaan maceeshadii daruuriga ahayd ee ay ku noolaan lahaayeen.
Ganacsata iska leh shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Xawaaladahu waxa ay kordhiyeen wakiiladii xawaaladaha ee u joogey wadamada adduunka, kuwaasi oo ay isla markaana dhammaantoodba u qeybiyaan kaadhadhka Telefoonada lagu isticmaalo, oo ah nooca “Roaming-ka” loo yaqaano ee wadan kastaba oo aad tagtaba kuugu shaqeynaya. Kuwaas oo ay mid kastaaba ka buuxaan numbaro Zaad iyo E-dahab ah, oo u dhigma lacag boqolaal kun oo dollar ka badani. Intaas ka dib waxa ay bilaabeen in lacagtii doolarka ahayd ee ay dadka qurbe jooga ahi eheladooda dibadaha uga soo diri jireen, ee qofkii lahaa doolarka lagu siin jirey in ay iyagu ku shubtaan sanduuq xisaabeedyo gaar ah (Accounts) oo ay ku leeyihiin Baanan dibada ku yaalla, iyaga oo taas bedelkeedana qof kasta oo lacag loogu soo xawilo toos ugu soo dira numbarro u dhigma lacagtiisii oo E-dahab ama Zaad ah. Taasina waxa ay keentay in shirkadahaasi la wareegaan ishii ugu weynayd ee uu dalku ka heli jirey lacagta adag ee doolarka ah. Dhinaca kalena arintani waa talaabo khiyaamo ah oo ay shirkadahaasi kaga hortegayaan in la ogaado lacagta adag ee maalin kasta xawaaladahooda la soo mariyo, taas oo hadii tiradeeda la ogaado keeni karta in la weydiiyo cashuurta ku waajibtay sidaa darteed arrintaasi waxa ay curdan dhadhisay hindisihii dawladdu ku doonaysay inay ku suuliso sicir-bararka uu sababay hirdanka u dhexeeya shirkadaha macaash doonka ah ee xawaaladaha iyo isgaadhsiintu ka mid yihiin.
Shirkadaha Isgaadhsiintu waxay ciyaarayaan door laba wajiillenimo ah, waxaanay xukuumadda kula heshiiyeen inay bilaabayaan inay adeegooda ku soo daraan in shilinka Somaliland lagu isticmaallo adeegyadda ZAAD-ka iyo E-dahabka. Haddaba iyagoo shirkaduhu dawladda u madax buuxinaya, waxay u qoondeeyeen in ZAAD-ka Telesom ee shilinka Somaliland lagu diro oo kaliya (150.000 SL Sh) Boqol Iyo Konton Kun oo Kaliya. Halka shirkadda Somtel ay adeegooda E-Dahab ee shilinka Somaliland u gooyeen in lagu diran karo oo kaliya lacag dhan (200.000 SL Sh ah) Laba Boqol oo kun oo kaliya.
Labadan shirkadood lacagta Somaliland adeegyadooda ZAAD iyo E-DAHAB ma diraan gelinka dambe, waxaanay inta badan ku sabobeeyaan in shaqaalihii waaxahaasi ka hawl-gelayay ay rawaxaan, halka lacagta doolarkana ay ka urursadaan illaa tobanka cawaysnimo habeen walba.
Waxa kale oo shirkadaha isgaadhsiinta iyo xawaaladuhu ay khiyaamo ka sameeyeen amarkii baanka dhexe soo saaray ee uu ku farayay in lacagaha dibadda laga soo dirayo ee doolarka ay ku siinayaan dadkii lahaa ay 30% ku siiyaan shilinka Somaliland, hase yeeshee waxay dadweynaha ugu sarifaan Halkii doolar 6000 SL SH, taasina waxay noqonaysaa waji kale oo ay dadweynaha ku dhiig miiranayaan, hadii ay lacagtaasi noqoto mid ku dhacda jeebadahooda.
Dawannews Hargeysa office