Boqor 72 Xaas Aabihii Ka Dhaxlay

0
318

Wargeyska Daily Mail ee Ingriiska ayaa daabacay mid ka mid ah boqorada Galbeedka dalka Cameron. Boqorka oo lagu magacaabo Abu Mubi laba wuxu ka taliya Deegaanka lagu magacaabo Pavot ee Camaron,
Waana boqorkii 11 ee deegaankan.  Boqorkan ayaa wakhtigan qaba 100 dumar ah, isagoo aabihiina ka dhaxlay 72 dumar.
 
Aabihii markii uu dhinaty waxa uu ka tagy  500 oo qof oo ahaa xaasaskiisa iyo wiilal uu dhalay, dhamaantoodna waxay ku noolaayeen deegaankaasi Pavot.
 
Wargeyska ayaa sheegay in boqorkan aabihii uu dhintay 1968 dhamaan dhaxalkiisana uu isagu la wareegay sida caadada deegaanku tahay. Boqorka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay inuu hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay deegaanada deriska ah, iyo inuu maareeyo hawlaha gudaha ee dadka uu xukumo iyo noloshooda iyo ilaalinta sharciga kuwa xadgudba.
Wargeyska oo waraystay gabadha sadexaad ee boqorka waxayna  tidhi “ Dhaqanka deegaankayaga ayaa ah marka uu dhinto boqorku inuu dhaxlo inankiisa weyni dumarka uu qabo. Dumarka waaweynina waa inay wax baraan kuwa cusub ee yaryar ee boqorku guursado.
Dumarka boqorka ayaa leh aqoon iyo tacliin sare  waxayna ku hadlaan luqado dhawr ah, caruurtoodana wax bara. Gabadha ayaa sheegtay in sharciga Cameron aanu xad u yeelayn dumarka uu ninku guursanayo , laakiin arinta ah in dumar badan la guursao ayaa ah mid ka jirta dalka Camaron.

Leave a Reply