Mitsui Garden Yotsuya: Huteelka Oohinta Dumarka

0
309

Huteel aad uu yaab badan ayaa ku yaalla dalka Japan. Huteelkan ayaa lagu magacaaba huteelka oohinta Dumarka, waxaana uu leeyahay qol dumarka loo diyaariyay inay ku baroortaan.
Maamulka huteelka Mitsui Garden Yotsuya ayaa sheegay in Huteelkan oo ku yaalla Tokoyo uu leeyahay qol gaar u ah dumarka kaasi oo ay yaallan filmo iyo muuqaalo sawiro ah oo wadanha iyo dareenka gabadh wax ka bedelaya isla markaana ka oohinaya.
Wax kale oo uu sheegay in huteelku leeyahy koox iyagana loogu talo galay inay dumarka qolkaasi  jooga ka nixyaan. Waxaana huteelku siiya dumarka qolkaasi kiraysta  waraaqo aad qiimahooda u sareeyo oo ay iskaga biiyaan ilmada kuna daboolaan indhaha casaaday.

Leave a Reply