Hargeysa(Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa sheegay in ay ku guulaysteen hawsha xidhista seerayaasha Qool-caday iyo Aroori, isagoo dhinaca kale farriin u diray dadka reer miyiga ah oo uu kula dar daarmay in ay gacan ka geystaan sidii seerayaasha loo xidhi lahaa.
Dr. Jaamac Odowaa, oo shalay xafiiskiisa ugu waramay DAWAN waxa kale oo uu ka hadlay arrinta caafimaadinta hilibka xoolaha iyo Caanaha oo uu tilmaamay in fayo qabkooda in ay ku jirto caafimaadba bulshadda.
Agaasimaha oo ka waramayay halka ay marayso hawsha xidhitaanka Seereyaasha, waxa uu yidhi. “Seerayaasha hawshoodu way socotaa oo midna waaba la xidhay midna weli maanu bilaabin laakiin dhakhso ayaa banka Arroori si wacan ayay hawshiisu u dhacday, waana la xidhay banka Qool-caday-na waxaa keliya ee caqabad ku noqday dad aan danta dalka iyo dadka midna wadin, oo hunguri doon ah, oo dadka been u sheegaya, taasina imika way iska soo dhamaatay oo dadkii degaanka waanu ka saarnay shakigii la galiyay, ee looga dhigay in laga xidhanayo waxaanan u sheegnay in iyaga (reer miyiga) loo xidhayo”.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo jirta kollay marka hawl la bilaabayo ee ay tahay hawl cusub waxay yeelanaysaa waxaana dhacda in ay ka hor yimaadaan dad aan idna u danaynayn oo iyagu doonaya wax dantooda ah iyo in laga laaluusho hawlo qaran oo ummadda iyo dalka loo qabanayo laakiin dawladda way ka go,antahay in hawshaa qaran la fuliyo.”
Dr. Jaamaca oo uu aanu wax ka waydiinay waxa uga soo baxay socdaal uu dhawaan ku tegay gobolada Saaxil Togdheer iyo Saraar, iyo waxyaabaha uu ku so arkay deegaamadaasi, waxa uu ku jawaabay “Socdaalkaasi wuxuu ahaa mid aanu ugu kuur galaynay xaalada nololeed ee xoolaha goboladaas iyo sida ay yihiin caafimaad ahaan waxaa kale oo aanu kormeer ku tagnay dhul ay maal gashadeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo dibada ka yimi oo xoolo ku dhaqay beero ay gaar u leeyihiin oo si wanaagsan xoolaha loogu xannaaneeyo kuwaasoo ka qayb qaadanaya horumarinta xoolaha iyo xoolo dhaqashada casriga ah” ayuu yidhi Dr. Odowaa.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaa kale oo aanu soo marnay isguulka sheekh ee Xoolaha oo ay gacanta ku hayso IGAD. Kaasoo ay ka soo baxaan arday aad u tayo wanaagsan oo dhakhaatiir xoolaha ah oo la mid ah kuwa ka soo baxa jaamacadaha caalamka waxaanan kormeer ku so samaynay dhismayaal iskuulkaa laga hir galinayay oo aanu soo booqanay waxaa kale oo aanu soo eegnay dhul bannaan oo isguulkaa la siiyay oo dad ku qabsadeen taasoo imika aanu hawsheeda soo afjarayno sababtoo ah siguulkan siyaasada laga leeyahay waa mid boqolaal sano ka dib laga fikirayo dad aqoonyahano ah ooillaa PHD ahi in ay inooga soo baxaan.
Waxaa kale oo aanu soo booqanay kawaanka gawraca xoolaha ee Burco oo aanu soo eegnay sida uu yahay nadaafad ahaan iyo xoolaha lagu qalo oo la doonayo in hilibkii oo qalan la dhoofiyo sida uu yahay kawaankaa caafidaankiisa sida saxadiisa iyo biyo nadiif ah in uu leeyahay run ahaantiina kawaankaana tayadiisu aad ayay u wanaagsan tahay ,waxaa kale oo aanu so marnay sayladda Burcooo la doonayay in xayn daab silig ah lagusoo wareejiyo oo ay dadka qaar buuq ka yara keenel laakiin imika markii aanu dadkii la kulanay ee aanu u sheegnay in loo baahan yahay in sayladda xoolaha dhulkeeda loo xidho way nala qaateen dhakhsona waa loo soo xayndaabayaa.”
Mar aanu waxa ka waydiinay halka ay marayso hawsha caafimaadinta hilibka iyo caanaha ee xoolaha oo wasaaradiisu ay bilawday waxa uu yidhi. “Hota haddaan dadku cunin hilib caafimaad qaba dadka ayay halis u tahay markaa waxaanu ka hawl galay in neefka caafimaadkiis la hubiyo marka Sayladda la keeno iyo marka kawaanada loo gudbinayoba, dhanka caanaha waxaa jirta in aanu laba hayadood iska kaashanayno sidii loo heli lahaa caano caafimaad qaba oo neef caafimaad qaba laga soo lisay waxaanu samaynay in aanu gobolka Maroodijeex.
Waxaanu ka bilaownay qaybinta weeljaandi ah oo nadaafad ahaan ka tayo wanaagsan caagadaha oo caanaha lagu soo qaado waxaa kale oo aanu ka wada hawl galaynaa in baadhitaano ku samayno cudurada xoolaha ku dhaca ee caanaha yareeya si looga daweeyo haddii ay jiraan.”
Ugu dambayn agaasimaha oo aanu wax ka waydiinay fariinta uu u dirayo dadka ku dhaqan deegaamada qoolcaday iyo Aroori ee la doonayo in seerayaal laga xidho deegaamadaas.ayaa yidhi. “waxaan leeyahay dadka deegaamadaa ku dhaqan yaan waxa dantiinu ku jirto la idinka hor keenin dawladdu waxay doonaysaa in xoolihiina loo sameeyo kaydkii ay cuni lahaayeen waxaanu doonaynaa oo siyaasadda Xukuumadda ah in laga gudbo xoolo raacatadii loona gudbo siyaasadda ah xoolo dhaqasho.
Waxaanu doonaynaa in aan xooleheena usamayno kayd ay ku badnaadaan haddi ay abaaro dhacaan waa in aan ku xisaabtanaa in biyo yaraani iman kartoin daaq yaraaniiman karto xukuumadana way ka go,antahay in seerayaashaa iyo qaar kale oo badanba dalka laga hir galiypo cidda loo samaynayaana waa dadkiina xoolo raacatada ah oo la doonayo in aydaan dib u guur guurin ee aad noqotaan dad xoolo dhaqato ah oo deegaanka ay degen yihiin xoolohoodu ku helaan biyo iyo baad labadaba oo neefka bukooda lagu daweeyo ugu dambayn waxaan kula dar daarmayaa yaan dantiina aanu wadno qof dan gaar ah lihi idinku dirin.”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo waraysi gaar ah siiayay wargeyska Dawan.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office