Dawladaha Itoobiya Iyo Somaliland Oo Ku Heshiiyay Kor u Qaadista Iskaashiga Nabad-gelyadda Iyo Dhaqaalaha Labada Dal

0
350

 “Raysalwasaaraha Itoobiya Waxaanu Ka Wada Hadalnay In La Xoojiyo Xidhiidhka Labada Dal iyo Iskaashiga  Innaga Dhexeeya Oo Nabadgeylada Iyo Dhaqaalaha ”Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweyne Somaliland oo Shalay Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa
By. Khaalid Xabsi
Hargeysa (Dawan)-Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay inay sii kor u sii qaadaan iskaashiga labada dal ee u dhaxeeya gaar ahaan dhinacyadda ammaanka iyo Dhaqaalaha  labada dal.
Heshiiskaasina waxa uu ka dhashay socdaal laba maalmood qaatay oo uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo weftigiisu ay ku tageen dalka Itoobiya, halkaasi oo uu raysal wasaaraha Itoobiya  Hailemariam Desalegn ku qaabilay Madaxweyne Siilaanyo Isniintii toddobaadkan.
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Madaxweyne  ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Guurtida, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada,  Guddoomiyaha xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE , xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo dadweyne kale.
“Waxaan dalka Itoobiya ku maqnayn laba maalmood, waxaanu is aragnay Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn,  waxaanu ka wada hadalnay in la xoojiyo xidhiidhka labada dal iyo in la xoojiyo iskaashiga  innaga dhexeeya oo xagga nabad-galyada iyo dhinac walba ku shuqul leh, markaa safar wanaagsan oo is afgarasho leh ayaa noo dhacay. INSHA ALLAH waxaan rajaynayaa in marba marka ka dambeysa xidhiidhkeennu sii fiicnaado, ” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md.  Axmed Maxamed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaayo waxa uu sheegay in Xukuumadd ahaan ay ku dedaalayaan xoojinta xidhiidhka dalalka deriska ah, waxaanu yidhi  “Dalalka jaarka waxaa innaga  dhexeeya wada shaqaynta nabad galyada Iyo dhinaca dhaqaalaha ah iyo wixii kale ee innaga dhexeeyaba, markaa in mar walba xidhiidhka la joogteeyo way wanaagsan tahay,waxaana noo dhacay safar wanaagsan oo wax ku ool ah. INSHA ALLAAH waxaanu rajaynaynaa inaanu halkaas ka sii wadnana waanu rajaynaynaa.”
Dhinaca kalena, Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo ka mid ahayd  Weftiga Balaadhan ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku tagay  Itoobiya ayaa kulan la qaadatay Marwada Raysal Wasaaraha Itoobiya Roman Tasfaaye.
Labada Marwo ee Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa Kulankoodaa kaga wada hadlay Xidhiidhka iyo danaha ka dhexeeya haween weynaha labada dal iyo Sidii ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta arrimaha haweenka.
Kulankaasi oo marwadda koowaad ee Itoobiya ay ku qaabishay dhigeeda Somaliland waxa lagu falan qeeyay sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen masaalixda iyo wax wada qabsiga haweenka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
 

Leave a Reply