Xildhibaan Naqdiyay Hindise Sharci Darro ah oo ka Soo Yeedhay Xisbiyadda Mucaaridka ah

0
371

“Go’aankii Muddo Kordhintu Waa Qaraar Gole oo Sharci ah oo Aan ka Noqosho Lahayn” Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac
Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan C/qaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa sheegay in aanay ka  noqosho lahayn muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo aqalka Wakiiladda  maadaama oo uu ahaa go’aan dastuuriya.
 
Xildhibaan Xaamud oo xalay u waramayay wargeyska Dawan ayaa waxa uu ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay xisbiyadda mucaaridka oo  sheegay  in ay dhisi doonaan  dawlad ku meel gaadha oo aan meelna  kaga oolin dastuurka dalka u yaalla, waxaanu ku dooday   in dhawaaqoodu aanu waafaqsanayn sharciyadda dalka u dejisan.
Xildhibaanka oo ugu horayn ka hadlaya muddo kordhin Golaha Guurtida muddo xileedka ugu kordhiyay Golaha Wakiiladda iyo xukuumadda waxa uu yidhi “Muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda waa go’aan gole oo sharciya in  gorgortan  laga galo maaha meel lagaga noqdaana ma jirto.
Markaa waxa aan qabaa dadkaa ka qaylinaya  muddo kordhinta inay tagaan maxkamadda sare haddii lasku fahmi waayo horena way u dhacday hada ka hor oo labada gole xeer ay soo saareen  oo ay isku raaceen madaxweynihii hore Daahir Riyaale maxkamadda sare ayuu u gudbiyay cidina kamay daba hadal oo sharci ayay noqotay.”
 
“Meel ay ku taallo dawlad ku meelgaadhi ma jirto waana hadal la iska yidhi xisbiyadana qaylinayaana dastuurka ayaa lagu ixtiraamayaa waxaana fiican in sharciyadda la ixtiraamo waayo haddii kale waxba noqon mayno, waxaana Somaliland heerkaa  ku soo gaadhay sharciyadda aynu ku dhaqmaynay is-qancin iyo isu tanaasul laakiin mar walba waxa loo noqonayaa  dastuurka,”ayuu yidhi Xildhibaanku.
 
 
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud waxa kale  oo uu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay xildhibaan Bashiir Tukaale oo baanka dhexe ku sheegay Bakhaar waxaanu tilmaamay in aanu Tukaalle aqoon u lahayn dastuurka dalka u yeela waxaanu yidhi “Tukaale waa xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada sharcigana yaqaana waxaan u malaynayaa in aanu dastuurka si fiican u aqoon, anigu ra’yigayga waxa aan qabaa inuu baanku dadaalay waanu la kulanay haddaanu nahay gudida ilaalinta hantida qaranka su’aalana waanu weydiinay guddoomiyuhuna sharciga wuu yaqaanaa agaasimuhuna waa nin shaqaynaya markaa sida ay wax u wadaan waan ku hambalyaynayaa, markaa nimanka sidaa u dedaalaya in la yidhaahdo waa bakhaar baanku nasiib darro ayaan u arkaa.”

Leave a Reply