Duruufta Hooyo Saddex Caruura Oo Mataanno Ah Ku Dhashay Cisbitaalka Hargeysa

0
296

Hargeysa (Dawan):- Hooyo Nimco Miyir Xaaji ayaa waxay Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ku umushay saddex caruur ah  oo mataanno ah, kuwaas oo kala ah laba hablood iyo wiil, isla markaana waxay bulshada reer Somaliland ka codsatay inay soo caawinayaan.
Hooyo Nimco Miyir Xaaji  iyo saddexda caruura ee mataana ah ee ay umushay ayaa dhammaantood xaaladooda caafimaad ay haatan aad u wanaagsan tahay, waana markii ugu horraysay ee hooyadni ay umushu caruur mataano ah, waxaanay bulshada reer Somaliland ka codsatay in lala soo gaadho wixii lagu caawin karo.
Nimco Miyir Xaaji  waxa ay faahfaahin ka bixisay wakhtigii ay foolatay iyo tirada caruuta ay dhashay, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi “Walaal waxaan umulay maalintii Khamiistii, taariikhduna ahayd 18/62015 ee aynu soo dhaafnay, duhurnimadii oo waxaan umulay saddex Caruura oo mataano ah oo kala ah laba hablood iyo wiil”.
Mar la weydiiyay Xaaladeeda Caafimaad sida ay tahay Hooyo Nimo Miyir Xaaji ayaa, waxay ku jawaabtay oo tidhi “Caloosha ayuunbaa i xanuunaysa, ee sida kale waan iska wanaagsanay, waanan fiicanahay, saddexda caruura xaaladooda caafimaad way wanaagsan tahay ILAAHAY mahadii”.
Mar ay ka jawaabaysay  haweenaydani  inay ogayd inay umuleyso Saddexdan Caruura ee Mataanaha ah iyo in kale, waxay ku jawaabtay oo ay tidhi “Waxaan is ogaaday markaan bishii toddobaad ahaa inaan Saddex Caruura oo mataano ah aan sido, oo Computer-ka ayaa I sheegay,”
Waxa kale, oo la weydiiyay Nimco Miyir Xaaji inay tahay markii ugu horreysay ee ay Caruur mataano ah ay umusho, waxaanay ku jawaabtay oo ay tidhi “Waa markii ugu horeysay ee aan umulo Caruur mataano ah, oo weliba saddex caruura ah, waana ILLAAHAY mahaddii inuu I siiyo nimcadan”
Hooyadan  waxay oo degan tahay  duleedka Magaalada Hargeysa, gaar ahaan deegaanka la yidhaahdo Xeedho, waxa ay bulshadda reer Somaliland ka codsatay in la soo caawiyo waxaanay tidhi “Waxaan ka codsanayaa bulshada reer Somaliland wixii ay ugu soo caawinayaan ee ay kari-karayaan inay igu soo caawiyaan”.
Digtooreyso Hodan Cabdilaahi Ducaale oo ka hawl gasha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isla markaana goob joog u ahayd hooyadan saddexda caruur ah mar wada dhashay, waxaanay si cilmiyan ah faahfaahin uga bixisay dhalashada caruurta mataanaha ah, waxaanay tidhi   “Sideeda-ba mataanaha haddii aynu cilmiyan u eegno, ilmaha yari waxa uu ka yimaada hooyada iyo aabaha, waxaanay hooyadu soo deysaa ugxan (Egg), aabuhuna waxa uu soodaayaa (Spem-ka),markay labadaasi isku tagaan ee ay dhacdo bacrimiintu ayuu sameysmaa ugxantu (Egg-gu). Mar waxa dhacda inay hooyadu soo deyso laba ugxanood,waxaana bacrimiya hal Spem oo kaliya ama laba Spem, Markaa waxaa halkaasi ka imanaya laba  caruura oo mataano ah. Wax dhacda iyada oo hal ugxan oo kaliya ay tahay inay laba u qeybsanto, kadibna ay bacrimintu dhacdo, taasina waxay keenta mataanaha. Markasta mataanuhu waxay ku xidhan yihiin hooyada, ee kuma xidhna aabaha. Inay hooyadu laba ugxanood ay soo deyso waxa keena inay qoyskeeda ay ka hido sidato, wixii hal ilmo ka baddan inay hiddeysanayso, waxa kale oo ka qeyb-qaata in qalabka casriga hooyada ugxanteeda iyo aabaha Spem-kiisa la isku geynayo oo hooyada ilmo lagu dhex beero, taasi way ka qeyb-qaadata inay laba ama saddex mataano ah noqdaan. Waxaana la yidhaahda inay hooyaddu saddex caruura oo mataano ah ay dhasho waxa keena 75% (Boqolkiiba shan iyo todobaatan) marka qalabka casriga ah hooyada ilmaha lagu dhex-beerayo, taasana ugu baddan”.
Maaha markii ugu horeysay ee caruur mataano ah oo Saddex mataano ah ama ka baddan inay Somaliland ku dhashaan, balse waa wax dhif-dhifa in la arko hooyo mar kaliya wada umusha saddex Caruura oo mataano ah ama Afar Caruura oo mataano ah, laakin waa wax yar oo mar mar dhacda ILAAHAY qud-radiisa.
Xigasho Hayaannews

Leave a Reply