Guddida Joogtadda Ee Wakiiladda Oo Waraysi Xaasi ah la Yeeshay Wasiirka Maaliyadda

0
296

Hargeysa (Dawan)-Guddida Joogtadda ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Isniintii todobaadkan kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ay ka xog waraysteen qoddobo la xidhiidha dhaqaalaha iyo maaliyadaba.
 
Guddooomiye Ku xigeenka Guddida Joogtadda ee Golaha Wakiiladda Md. Axmed Ducaalle Bulaalle oo wargeyska DAWAN wax ka weydiiyay xalay waxyaabihii ay ka wada hadleen Wasiirka Maaliyadda ayaa yidhi “Wasiirka Maaliyadda Annaga ayaa u yeedhnay Guddi ahaan, waxaannu wax ka weydiinay mawduucyo la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka, waxaanay noo sheegtay in dawladdu ay wado juhdi la xidhiidha in suuqyadda  laga faaruqiyo lacagta doolarka oo lacagta shilinka Somaliland noqoto lacagta koowaad ee wax lagu kala iibsado. Wasiir Samsam waxay noo sheegtay in dawladdu ay wado qorshe la xidhiidha suulinta sicir-bararka oo ay Baanka dhexe kala shaqeynayaan sidii uu uga midho dhalin lahaa arrintaasi.”
 
Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Joogtadda ee Wakiiladdu waxa kale oo uu tilmaamay in ay waydiiyeen Wasiirka Maaliyadda saamaynta miisaaniyad sannadeedka qaranka ku yeelanayso dagaalka  Yeman, waxaanu yidhi “Wasiirka Maaliyaddu waxay noo sheegtay in dagaalka Yeman uu saamayn ku leeyahay dalka, balse waxay xustay in meelihii ay  wasaaradu filaysay inay is dhimi doonto ay kabeen isla markaana imika aanay saamayn taban ku yeelanaynin Miisaaniyadda qaranka.”
DAwannews Hargeysa office

Leave a Reply