Dalka Shiinaha macmiisha huteel ku yaalla magaalada Yiwu ee bariga Shiinaha ayaa aad ula yaaban shaqada huteelka. Huteelkan ayay leeyihiin lamaane is qaba, waxaana ay sheqeeyaan 21 saacadood. Waxase macmiishu ka yaabeen in maamulka iyo shaqada huteelka ay 21 saacadood kala hagayaan lamaanahan is qaba, iyagoon daalayn.
Laakiin qisada yaabka leh ayaa ah in huteelka ay ka sheqeeyaan maamulkiisa lamaanayaal mataano ah oo walaalo. Laba wiil oo walaalo oo qaba laba gabdhood oo mataano ah, kuwasi oo isu eeg. Macmiilka ayaan arinkan ku baraarugin, kana yaaban shaqada laba qof ee aan daalayn. Lamaanayaasha ayaa shaqada isku kala bedela oo kolba laba ayaa sheqeeya. Macmiisha ayaa huteelkan u bixisay Huteelka Lamaanaha aaaladda ah. Iyadoo loola jeedo in aanay daalayn.