Wasaaradda Daakhiliga Oo Ayaan Darro Ku Tilmaantay In la Dilo Ciidamadda Ammaanka

0
285

Hargeysa (Dawan): Wasiir ku xigeenka maamulka goboladda ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Faarax Cadare,   ayaa fariin u diray shacabka Somaliland, isagoo  wax  laga xumaadana ku tilmaamaty inay maanta shacabku u soo dhigtaan cidii abnigooda sugaysay ciidamada iyo ehelkii uu ka baxayna ka tacsiyadeeyay askarigii dhawaantan lagu dilay magaalada Hargeysa.
 
Wasiir ku xigeenka oo shalay warbaahinta u waramay wuxuu sheegay   in lagu dabajiro gacan ku dhiiglihii  dilka geystay isagoo wasiirka abnigu arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan halkan tacsi uga dirayaa ehelkii uu ka geeriyooday marxuunkii dhintay waxaanan leeyahay ILLAAHAY samir iyo iimaan heydinka siiyo, guud ahaana ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidamada kale ee uu ka geeriyoodayba waxaanay aheyd arin aad u fool xun oo dhacday waxaananu leenahay ILLAAHAY samir iyo iimaan heynaga siiyo. Waa  ayaan darro in maanta mushtamicii ay u soo dhigtaan amniga cidii ilaalinaysay arin aad u fool xubay aheyd ,gacan ku dhiiglihii dilka geystay waa lagu daba  jiraa Imika waxaanahay aheyd dhab ahaantii arin aad u sahlan oo sida ay udhacday iyo sida ay u weynaatay aanay islaheyn ,waxaanay aheyd arin yar oo madaniya oo loo yeedhaayay nasiibdaro se waxay isu bedeshay sidaasi “.
Axmed Faarax Cadare isaga oo hadakiisa siiwata waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxaananu ugu baaqaynaa dadka reer Somaliland gabi ahaanba in aanay qarin dadka falalka noocan oo kale ah ku kaca inaan la qarin qofka qariyaana uula danbi noqonaayo waxaananu leenahay hala caawiyo ciidanka hana lala dadaalo abnigeenay kuy xidhan tahay gacanku dhiiglahaana waa in la soo qabtaa waxaanan leeyahay shacabka la shaqeeyaa ciidanka amniga.”
Sidoo kale wasiir ku xigeenku waxa tilmaamay in ay talaabo ka qaadi doonaan dadka caawiya ee qariya kuwa dilalka gaysta, isagoo xusay in dhamaanba dadkii dilalka kala duwan gaystay la soo qaban doono laguna daba jiro.
“Dadka qarinaya amase taakuleynaaya waxaa ka qurux badan inay soo dhiibaan dil waa dhacaa oo nolosha ayay ka mid tahay laakiin waxaa ayaan daro ah in qofka lagu taageero dilka uu geystay markaa waxaan bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba aanu ka codsanaynaa  dilkii ka dhacay Ceerigaabo kii ka dhacay Qorilugud iyo kii ka dhacay iyo kan Hargeysa ka dhacayba waxaanu leenahay ciidamada taageera oo wixii dhib ugeysanaaya la qabta,” ayuu yidhi Mr. Cadare.
By : Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply