Saldhig Cusub oo Boolis oo Laga Dhisayo Laascaanood

0
333

Laascaanood (Dawan)- Guddomiyaha gobolka Sool Mudane Yaasiin Maxamed Shide oo uu weheliyo taliyaha qaybta booliska gobalka Sool Gashanle dhexe Cabdiraxmaan Nuur Colhaye iyo duqa degamada Laascaanood Cismaan Saleeban Jaaman, ayaa shalay si rasmiya u dhagaxdhigay dib-u-dhiska saldhiga wadnaha ee magaalada Laascaanood.
Taliyaha qaybta booliska gobalka Sool Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Colhaye ayaa ka hadlay munaasibad loo sameemay dhagax dhiga Saldhigaas oo ku yaala badhtamaha magaalada Laascaanood, waxaanu ka warbixiyay baahida loo qabay saldhigan, waxaanu yidhi, “waxaan maanta (shalay) dhagaxdhignay saldhiga wadnaha ee booliska magaalada Laascaanood, oo runtii dhismihiisii hore duug ahaa dayacna ka muuqdo, ALLE mahadii dadaal badan oo uu sameeyay Gudomiyaha gobalka. waa dhagaxdhigii labaad iyadoo aanu hore u soo dhisnay dayr wayn oo 100 mitir isku wareega oo ku  yaala saldhiga bariga magaalada oo isaga laftiisu dayacnaa dadka iyo xooluhuba ay iska dhex mari-jireen maantana dayr 2.5 mitir taarkiina ku wareegsan yahay”.
Gudomiyaha gobalka Sool Md; Yaasiin Maxamed Shide oo isaguna munaasibadasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyay madaxwaynaha Somaliland dadaalka badan ee uu galiyay in gobalka Sool baahiyaadkiisa inta awoodiisa ah uu daboolo, isagoona xusay in kharashka dib-u-dhiska saldhigan uu bixinayo, waxaana hadaladiisa kamid ahaa, “waxaan u mahad celinayay madaxwaynaha Somaliland dadaalka badan ee uu galiyay in gobalka Sool baahiyaadkiisa inta awoodiisa ah uu daboolo, nagana aqbalo codsiyadaydii aan ula tagay oo dhan” ayuu yidhi waxaan intaas ku daray, “Gobalka waxaa ka socda horumar balaadhan sida wadooyinka, dib-u-dhiska wasaaradaha iyo saldihigii bariga magaalada oo aanu dhamaystirnay, saakana waxaanu dhagaxdhignay salidhiga wadnaha, saldhigaas oo aad u dayacan buu ahaa kharashka ku baxaya dhamaan waxa bixinahya madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu laga dhigi doonaa saldhig casriya, waxaanay keenaysaa madaxtooyadu gaadiidkii ay ku howl gali lahaayeen ciidanka saldhigan ka howl galidoona”.
Gudomiyaha gobalka Sool Md; Yaasiin Maxamed Shide, waxaa uu baaq u direy qurba jooga gobalka Sool inay ka qayb qaataan dhismaha iyo horumarka gobalka Sool.
Duqa degamada Laascaanood Cismaan Saleeban Jaamac, oo halkaasi ka hadalay ayaa isna dhankiisa u mahadceliayay badhsaabka gobalka Sool dedaalka balaadhan ee uu ugu jiro dhismaha gobalka.
By: Yoonis M.Jaamac
 
 
 
 

Leave a Reply