Khubaro u dhalatay Israel ayaa sheegay inay heleen dhagxaan ay ku qoran tahay far aan hore loo arag oo la qoray 3000 oo sanno ka hor.
Fartan ayaa la sheegay inay ku qoran tahay xarfo la sheegay inay yihiin Torah ,taas oo u muuqata inay tahay mid muujinaysa diintii Toraadeed,iyada oo aan weli la kala cadayn fartan iyo halkay ka timid .
Khubaradan ayaa sidoo kale sheegay in dhagxaantaasi ay qaar kamid ah ku qoran yihiin magacyo kale ,gaar ahaan waxay soo qaateen dhagax ay sheegeen inuu ku qoran yahay Ashboht oo ay sheegeen inuu ahaa inankii Boqorkii Saul.
Khubaradan waxa hogaaminaaya nin lagu magcaabo Joseph Garfinkel oo arrimaha dhulka baadhistooda khibrad u leh,waxaanu sheegay inuu rumaysan yahay in qoraladani yihin kuwo diimeed .
Farshaxankan la helay ayaa ah mid la rumaysan yahay in la qoray muddo laga joogo toban qarni ama toban qarni ka hor,waqtigaasina uu noqon karo sida ay khubaradani sheegeen waqtigii Nebi Daa’ud.
Khubarada ayaa sheegay inay ku samayn doonaan dhagxaantan baadhitaano dheeraada ,intaas wixii ka dambeeyana ay soo saari doonaan natiijo rasmi ah.
Home Barnaamijyada Cilmi-baadheyaal Sheegay Inay Isra’iil Ka Heleen Dhagax Qoraal Lagu Qoray 3000 Oo...