Waa Maxay Sababta Ay Qudhaanjadu Godadka Lama Degaanka Kulul U Gashaa?

0
291

Khubaro cilmibaadheyaal ah oo in muddo ah ku raad joogay sidii ay u ogaan lahaayeen siday qudhaanjadu ugu noolaato dhulka saxaraha ah ee kulul ayaa ugu dambayntii soo saaray warbixin muujinaysa waxyaalaha sababay ama sahlay inay halkaasi ku noolaato.
Khubaradan ayaa ogaaday in qudhaanjada ku nool dhulka saxaraha ahi ay dhulka ku jirto muddo dhan 10 ilaa 20 minutes maalintii,taas oo ku noolaata dhulka aadka u kulul ee uu kulaylku gadho halka ugu saraysa oo lagu qiyaaso ilaa 70 Celsius .
Khubaradan ayaa sheegay in qudhaanjado lee dahay timo jidhkeeda ku yaala oo ay ku nuugto qabowga dhulka hoose,kaas oo kayd u noqday hadhow ayna dib u isticmaasho,sida lagu qoray wargeyska dhinaca Sayniska ka faalooda ee lagu magcaabo Saynis Journal.
“qudhaanjadu waxay lee dahay saddex nooc oo timo ah ,kuwaas oo si is dhaafa ugu yaala jidhkeeda,waxaanay timahaasi soo celiyaan falaadhaha cadceeda iyo kulaylka saxare kasta oo ay ku nooshahay,iyada oo ka dhigaysa kulaylkaasi waxa loo yaqaano Thermal Radiation”.sidaas waxa yidhi Nanfang Yu.
Mid kamid ah khubarada cilmibaadhistan waday ayaa isaguna yidhi “timahani waa waxa keliyaata ee ay ku badbaado Qudhaanjadu,gaar ahaana ta ku nool meelaha kulul ee lama degaanada ahi,iyada oo aan isku mid ahayn Qudhaanjo oo dhami,aad ayay u kala duwan tahay,waxaanay tani ku badbaadaa timaheeda oo ah kuwo iska difaaca xaaladaha kulayl ee dhulkay ku nooshahay.
Dr U oo kamid ahaa dadka cilmibaadhistan sameeyey ayaa sheegay in jidhka qudhaanjadu uu yahay mid tusaale looga qaadan karo habka wershaduhu u horumaraan ee isaga difaacaan kulaylka ka imanaaya waxay soo saarayaan,waxa kale oo uu tusaale usoo qaatay gawaadhida oo uu sheegay inay sida Qudhaanjada isaga soo celiyaan falaadhaha cad ceeda.
 
 

Leave a Reply