“Kenya Waxa Lagu Qaban Doonaa Shir Balaadhan oo Ku Saabsan Mashruucii Berbera Coridoor”

0
319

Hargaysa (Dawan): Wasiirka arrimaha dibadda  ee Somaliland,   Maxamed Biixi Yoonis, ayaa shaaca ka qaaday in horaanta bisha July  ee sannadkan dalka Kenya lagu qaban doono kulan lagaga hadli doono horumarinta dekadda Berbera. Kaasi oo si gaar ah u khuseeya mashruuca loo yaqaano Berbera Corridor.
Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay warbaahinta ugu waramayay xafiiskiisa ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Hakadkii dhawaan ku yimid Fiisaha baasaaboorka Itoobiya ee safaaradda Hargaysa, kaasi oo uu sheegay in uu ahaa mid la xidhiidhay dhinaca farsamadda ah.
Wasiirka khaarejiga oo ugu horayn ka hadlayay shirka bisha danbe ka dhici doona Nairobi iyo waxyaabaha lagaga hadli doono waxa uu yidhi   “Markii hore waxay ahayd in uu  shirkaasi  dhaco bishan 2-deedii, hase yeeshee dib ayaanu u dhignay, waxaana naga soo dhex gashay bisha ramadaan markaa waxaanu ku balansan nahay in dib loo dhigo. Shirkaasina waxa uu magaaladda Nairobi ka dhici doonaa bisha July. Shirkaasi oo lagaga hadli doono jidka Tog-wajaale ilaa Berbera,  ururka midawga yurub iyo wadamo kale oo beesha caalamka ka mid ahiba way ka soo qayb gelayaan shirkaasi.”
 
Dhinaca kale Wasiir Biixi, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin laba wadan oo jaar ah, isla markaana uu cilaaqaad wanaagsani ka dhexeeyo, isla markaana hakadkii ku yimid fiisaha baasaaboorka Itoobiya  uu ahaa mid la xidhiidhay waraaqaha oo yara  kala go’ay.
 
“Itoobiya waa dal aynu jaar nahay, cilaaqaad badan ayaa inaga dhexeeya, waa dalka aynu isugu dhawnahay. Dhawaan waxaa dhacday in ay yarro kala go’aan Istiikaradii lagu dhejinayay baasaaboorka, waana la noo soo sheegay, bulshaduna way ka war-qabtaa in waxa hakadka keenay ay taasi ahayd.
Imikana way bilaabeen, waxaanay noo balan qaadeen in ay dedejinayaan, dadkii badnaa ee sugayayna way qaadanayaan oo si fiican ayay u socotaa, sida aanu warka ku hayno. Waxaanan filaynaa in ay hashaasi dhamaatay”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply