Wasiirkii Hore Ee Shaqadda Oo Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Boorame

0
298

Boorama (Dawan) – ALLE ha u naxariistee waxa shalay aas qaran loogu sameeyay magaaladda Boorama Wasiirkii hore ee shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo muddooyinkii u dambeeyay u jiifay xanuun.
 
Aaska qaran ee loo sameeyay Marxuum Garaad waxa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweynihii  hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Salaadiin iyo dadweyne kale.
 
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Md.  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici) ayaa tacsi u diray eheladii uu ka baxay Marxuumku “Waxaan Ummadda Somaliland ka tacsiyadaynaynaa qaraabadii iyo ehelkii uu ka tagay inuu ILAAHAY samir iyo iimaan inaga siiyo dhamaateenba, isna ILAAHAY naxariistii jano ka waraabiyo oo qabriga u waasiciyo.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici
 
Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa ALLE uga baryay inuu Marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad) naxariisto jano ka waraabiyo, waxaanu yidhi  “Marxuum Maxamuud Axmed Barre  (Garaad)  ALLE ha u naxariistee, qiimihiisa iyo taariikhdiisa waa la sheegay, waxaan ILAAHAY uga baryayaa, ehelkiisii, qaraabadiisii iyo dhamaan Ummadda Somaliland inuu ILAAHAY samir iyo iimaan ka siiyo. ILAAHAY inuu qabriga u waasiciyo oo dembigiisa dhaafo, waxaanan leeyahay Ninkii caloosha wax ugu hayooy saamax.”
 
 
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan ayaa ka waramay taariikhdii uu Marxuumku ku lahaa dib u dhiskii dalka, waxaanu yidhi “Geerida ku timid Marxuum Maxamuud Axmed Garaad, waxaanu leenahay ILAAHAY SWT naxariistii jano ha ka waraabiyo, qaraabadii iyo qoyskii uu ka tagayna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Marxuum Garaad wuxuu ahaa Nin qiimo badan oo qaranka u soo adeegay ilaa bilawgiisii iyo aasaaskiisii , wuxuu ahaa Nin qaranka goleyaashiisa oo dhan ka soo shaqeeyay oo golihii u dambeeyay ee Wasiirrada ayaanu ku wadajirnay.”
 
Sidoo kale xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed iyo Salaadiinta dhaqanka ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumku, waxaanay ALLE uga baryeen inuu naxariistoo jano ka waraabiyo.
 
 
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Axmed Barre (Garaad), waxaanu ALLE uga baryay inuu naxariistii jano fardawsa ka waraabiyo, waxaana lagu yidhi dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyaddu “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa waayeelka, waxgaradka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maxamud Axmed Barre Garaad oo saaka (24/06/2015) ku geeriyooday Boorama.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahankii iyo waxgaradkii kaalinta mugda leh ka soo qaatay dhismaha, iyo taabo gelinta qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo haldoorkii, hogaamintiisu tusaale fiican ay u ahayd jiilasha soo kacaya.
Waxaanu ahaa Oday qaran oo ka baxay dalka iyo shacbiga somalilandba, isaga oo muddo dheer ka mid ahaa xubin sharafeed gollaha guurtida ka tirsan, mudooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa Golaha Wasiirrada.
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
 
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay Marxuum-Garaad, waxaanu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi “Guddoomiyaha  Golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal tacsi ah u diray Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Wax-garadka , Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alleh ha u naxariistee wasiirkii hore Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum: Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo in muddo ah xanuun uu u jiifay awgeed ugu geeriyooday magaalada Boorama 24.06.2015.
 
Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa Ehelkii iyo Qaraabaddii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo Marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alle  ka cabsi badan oo Illaahay ugu hoggaansama,dadkuna ay ka nabad-galaan, laguna yaqaanay cibaado badan iyo camal suuban, waxaa kale oo uu ku tilmaamay in uu ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ruug cadaayada ah salkana u dhigay hanaanka geedi socodka nabadda ee dalka, isaga oo sida oo kalena Marxuumku ahaa mas’uul qaran oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawlada Somaliland iyo dawladii waagii hore la’ isku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed.
 
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu Illaahay uga baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo, janatul Fardawsana uu ka waraabiyo, Ehel, Qaraabo iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply