Wakaalada Hawada Sare Maraykanka U Qaabilsan Ee NASA Oo Soo Saartay Robot Ay Hawada U Diri Doonto

0
287

Wakaalada hawada sare u qaabilsan wadanka Maraykanka ee lagu magcaabo NASA ayaa soo saartay qalabka loo yaqaano Robot-ka oo ay sheegtay inay dhowaan u diri doonto hawada sare,kaas oo raaci doona Dayax gacmeed dalkaasi laga lee yahay.
Qalabkan ayay sheegtay wakaaladu in la sameeyey sannadkii 2014 kii,intaas oo dhana uu ku jiray tijaabo ,iyada oo intaasi ku dartay in loo isticmaali karo oo kale dhulka .
Waxaanay qalabkan Robotka oo u samaysan sida dadka loo bixiyey ama lagu magcaabaa R-2,waana mid sannadkii hore iyo sannadkanba la diyaariynaayey,iyada oo la tijaabiyey tabobarna lagu siiyey meesha lagu sameeyey dhexdeeda,tabobarkaas oo ku saabsan sida uu u soconaayo.
Aaladan Robotka ayaa ah mid dhaqaaqi kara,kaas oo awooda inuu ku dul socdo meelo kala duwan,gaar ahaana gidaarada iyo dhulkaba,waxaana markasata xukunkiisa haya kooxo fadhiya xarunta NASA.
Robot-kan ayaa samaynaaya cod,kaas oo sidoo kalena u adkaysanaaya xaraaradaha kala duwan ee cimilo ee uu lee yahay Dayaxa loo dirayaa,waxaanau khubarada NASA sheegeen in haddii lagu guulaysto tijaabadan la samayn doono kuwo kale oo loo diro meelaha aanay dadku tegi Karin.
 
 

Leave a Reply