Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn

0
443

Qeybtii 12aad
Dabayaqaadii 2008-dii, ayaa haddana mar kale ay afkooda u furteen siyaasiyiinta reer Kiiniya inkastoo shirkadihii isgaadhsiinta ee Safaricom, Zain iyo qaar kale oo ku soo biiray ka ganacsiga lacagta ee loo adeegsado isticmaalka “Mobile Money” inay  si xoog leh uga soo horjeestaan in adeegan aan waafaqsan  shuruucda ganacsi ee halista badan u leh dhaqaalaha dalka uu sida bilaa  sharciga uga sii shaqeysto dalka.
 
Siyaasiyiinta Kiiniya, waxa kale oo ay farta ku fiiqeen inay xaaraan tahay in shirkado aan wax sharciyada u haysan ganacsigooda, ay shaqadoodii kala baxaan kuwii sharciyadda u lahaa, sidaana ay dibedda uga saaraan ka ganacsigoodii lacagaha.
Waxa ka mid ah ganacsatada kuwii Bangiyada ganacsiga. Qeylo dhaantaa siyaasiyiintu waxay soo  ifbaxday, ka dib markay ka yaabeen xawliga uu ku socdo ganacsigan qeyrul sharciga  ee Kiiniya sida kediska a u  bilaabmay 2007, isla sannad gudihiina ay dadka adeegga M-pesa ee loo adeegsado “Mobile-ka” gaadheen tirada dadka iska diiwaangeliyey shirkadaha isgaadhsiinta ee Safaricom ugu weyn tahay illaa shan Milyan oo qof ee uu wax tallaabo ahna ka qaadi waayay Baanka dhexe ee Kiiniya.
Xaqiiqo ahaan dhibaatada dhaqaalle ee uu ka ganacsiga  xaga lacagta ee adeegsiga “Mobile Money” ku hayey dadka iyo Dawladda Kiiniyaba, waxa lagu dareemay  oo sida fiinta looga qeyliyey muddo aan sannad ka badnayn, innaguna waxaan filaynaa inay tiro ahaanba yar yihiin inta dareensan dhibaatooyinka dhaqaale burbur ee uu dalkeenna ku hayaan shirkadaha ka ganacsada adeegga “Mobile money” ee aan wax sharci ah oo uu ku dhisan yahay aanu ka jirin dalka.
Ta kale ee iyana ka sii yaabka badan, waa Baanka dhexe ee JSL oo daawanaya dhibaatooyinkiisa, sidoo kalana ka xidhay xataa afkii oo ay mar-mar si cad u tilmaami jireen mas’uuliyiinta Baanka dhexe waxay si toos ah u sheegi jireen, in sicir-barark a iyo hoos u dhaca qiimaha lacagta  Shillinka  Somaliland sabab u yahay adeegsiga shirkadaha isgaadhsiinta ee adeega “Mobile money” iyadoo gacmahoodana galeen lacagihii adkaa “hard currency” ee dibada iyo gudahaba ka imanayay kuna dhex wareegi jiray seyladaha wax kala iibsiga iyo kuwa sarifka ee lacagaha qalaad halkeedii ugu  beddeleen dadka lambarro wax lagu kala iibsado oo ku dhex wareega seyladaha ganacsiga kala duwan.
Iyadoo ay sidaa tahay oo uu Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland yiqiinsan yahay shirkadahan siday ula wareegeen hawshoodii, ayeyna  haddana wax ka qabasho iska daayoo xataa gabeen inay ka hadlaan oo ay si cad u soo bandhigaan xadgudubyada ka ganacsiga lacagta ee ay faraha kula jiraan ee curyaamiyay  intii yarayd ee uu  ku dhaqdhaqaaqayay dhaqaalaha dalka.
Wax kastoo hore u jirayba, waxa haatan muuqata oo aan indhaha laga qarsan Karin, lana sii daawadan Karin siday hadda adeegga “Mobile money” ugaga shaqeystaan dalka shirkadaha isgaadhsiinta ee Somaliland. Sidaa darteed waa waajibaad saaran oo uu leeyahay Baanka dhexe ee JSL , inuu si degdeg uga hawlgalo wax ka qabashada arrintan saameynta ballaadhan ku yeelatay noloshii bulshadda iyo tii dhaqaalle ee dalkaba, iyagoo raacaya oo waafajanaya xeerarka adeeggan ay ku maamulaan dalalka Bariga Africa oo ay Kiiniya ugu horreyso.
Ceeb maaha inaad dib ka saxdo khaladaadkaaga si kasta ha ku dhacee, balse waxa ka sii xun inaad iska dhega-mariso oo aad meelo kale oo aan kula wadaagin khaladaadka isku sii dhaafsid. Tusaale waxa ugu filan Baankeenna inuu arrintan “Mobile money” oo Baanka dhexe ee Kiiniya oo muddo sannad kaliya ku qaadatay inuu dib u saxo khaladkii uu galay ee uu sanado badan  dhegaha ka xidhay cabashooyinkii bulshada ee la xidhiidha adeegsiga “Mobile money” iyo eedihii siyaasiyiinta iyo saxaafadduba u soo  bandhigayeen, balse uu wixii muddadaa ka dambeeyay gacantiisa uu dib ugu soo celiyey maamulkii uu lahaa ee ka seexday isagoo u sameeyay xeerkii lagu dhaqayey ka ganacsiga adeeggan tiknoolajiyada casriga lagaga shaqeysto ee loo yaqaan “Mobile money” reer Kiiniya ula baxeen M-pesa.
 
LA SOCO………………………………

Leave a Reply